Dowladda Somalia oo ka hadashay Shacabka Garsoorka u doonta Ururka Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cabsi awgeed ay Garsoor ugu doontaan Kooxda Al-shabaab.

Khadar ayaa intaas ku daray, in Dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay sugto amniga guud ee muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaana laga doonayo muwaadinka Soomaaliyeed inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Al-shabaab u yeerto.

Sidoo kale, RW ku xigeenka Somalia oo Wareysi siinayay Telefishinka Horn-cable ayaa sheegay in Al-shabaab aysan ka shaqeyn cadaalad, laakiinse ay shacabka aysan ka baaqan karin haddii ay u yeeraan iyagoo ka baqaya in dhibaato ay uga timaaddo.

Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay RW ku xigeenku in arrintaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay oo aan xukuumadda keliya lagu dhaliili karin, isgaoo ku baaqay in hawshan si laga wada-shaqeeyo.

“Marka u horreysa yaa leh dhaliisha ah in Al-shabaab Garsoor loo doonto iyo inaan loo doonan. Al-shabaab marka ay kusoo wacdo mas’uuliyada dowladda ka saarsan waa inay ammaankaaga ilaaliso, adiguna aad iska diiddo inaad u tagto. Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii wax looga qaban lahaa arrintan,” ayuu RW ku-xigeenka ku sheegay wareysiga.

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan waxay sheegeen inay shacabka Soomaaliyeed u doontaan garsoon Al-shbaaab oo deegaanno aad uga fog Muqdisho ay u aadaan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka ah ka waayeen garsoor la isku halleyn karo.

Ugu dambeyn, Hadakan ayaa imaanaya iyadoo Dad badan oo Muqdisho iyo gobollada ay garsoor u raadsada maxkamadaha Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobollada dalka, xilli deeaannadooda ay ku yaallaan maxkamado ay gacanta ku hayaan maamullada ka tali deegaannadooda.

PUNTLAND POST