Dagaal dhexmaray Somaliland iyo Jabhadda Caarre

Jabhadda Caarre

Waxaa maanta oo sabti ahayd galinkii dambe markii ugu horreysay dagaal dhexmaray ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caarre.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka buuraleyda ee Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay xog ku heshay PUNTLAND POST, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar ku qaadeen garab kamid ah Jabhadda Caarre oo hogaamiyo Korneyl Jamaal Ducaale Maxamed (Baaxad) oo ku sugnaa maalmihii udambeeyay deegaanka Hal-dhaadan ee gobolka Sanaag.

Midig Korneyl Caarre, bidix Korneyl Baaxad

Jabhadda Korneyl Caarre ayaa war qaraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in ay dharbaaxo xanuun kulul ku dhufatay ciidamada Somaliland oo soo weeraray, aysana soo gaarin wax khasaare ah.

Sidoo kale Jabhadda Korneyl Caarre ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay ka jawaabi doonaan weerarka lagu soo qaaday.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalkaas, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray, inkastoo aan si dhameystiran loo xaqiijin karin, sidoo kale waxaan la xaqiijin karin cidda hadda ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo dhawaan ka hadlay garabka Jabhadda Caarre ee ku sugan deegaanka Hal-dhaadan ayaa sheegay in uusan agtooda wax weyn ka ahayn Korneyl Baaxad oo ay si fudud u soo qaban karaan, balse ay u turayaan.

Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo sheegtay in ay la dagaalami doonto wax ay ku sheegtay cadaalad daro ka jirta Somaliland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaysa.

Puntland oo marar badan ku eedeysay Somaliland in ay gacan saar la leedahay Al-shabaabka Galgala, ayaa dhawaan Jabhadda Korneyl Caarre saldhig ciidan ka siisay meel u dhow magaalada Qardho.

PUNTLAND POST