Hadaaftimo oo lagu dilay Suldaan caan ah

Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil

Deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, waxaa maanta lagu dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil oo caan ka ahaa deegaankaas.

AUN Marxuum Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa sida aan xog ku helnay u socday magaalada Badhan, waxaana dilkiisu ka dhacay bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland

Dilka Suldaan Xasan Cali Jibriil ayaa ku soo aadaya, iyadoo Badhan uu maalintii saddexaad ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhamaan ku xukuumadiisa.

Dilka Marxuum Suldaan Xasan Cali Jirbriil waxaa ka tacsiyeeyay Madaxweyne Gaas iyo Suldaanka guud ee Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

PUNTLAND POST