Madaxweynaha Puntland oo safar ugu ambabaxay Badhan

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolada Karkaar iyo Sanaag ee Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxaana ku soo dhaweeyey maamulka gobolka, kan degmada , masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadweynaha magaalada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu Qardho gaaray kormeeray Cisbitaalka weyn ee magaalada oo uu ku socdo dhisme la dhagax dhigay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, wuxuuna u balan qaaday qalabeyn.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uuna gaarin Qardho waxa uu ku ha kaday gaari xamuul ah oo ku dhacay wadada u dhexaysa deegaanka Dalsan iyo degmada Dangorayo, oo la xaqiijiyey in aanay wax khasaaro nafeed ah ka dhalan.

Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaamniya ayaa berri safar ku tegi doona degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu xariga kaga jari doono Jaamacada Maakhir oo sanadihii ugu dambeeyay uu dhismaheedu socday, waxaana shalay magaaladaas gaaray wadfi hor-dhac u ahaa safarka Madaxweyne Gaas

Magaalada Badhan ayaa Madaxweyne Gaas waxaa ugu dambeysay 2013, markii uu ahaa masharaxa Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo taga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

 

PUNTLAND POST