Ra’iisul wasaare Khayre oo laga dalbaday inuu is-casilo


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa laga dalbaday maata inuu xilka iska casilo, kaddib markii la sheegay inuu ku guul-darreystay inuu sugo amniga guud ee dalka, gaar haan Muqdisho oo ah halkii ay k shaqeynaysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris [Ganey] oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka hadlayay kulankii baarlamaanka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaladda amni ee dalka, isagoo soo jeediay in Ra’iisul waaaruhu uu xilka ka dago.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in xaafado ka tirsan Muqdisho ay la wareegaan habeenkii xoogag ka tirsan Al-shabaab, isla markaana Garsoor looga doonto Aw-dheegle iyo deegaano kale oo ay Al-shabaab maamusho.

“Runtii amniga dalka faraha ayuu ka baxay, Madaxtooyada horteeda ayaa la isku dilayaa. Habeen dhaweyd degmada Huriwaa ayay Al-shabaab xoog kula wareegtay, subixii ayayna ka baxeen, sidaas daraadeed waxaan leeyahay Ra’iisul wasaare Khayre is-casil,” ayuu yiri xildhibaan Ganey.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in dalka oo dhan ay amni-daradu ka jirto, balse loo baahan yahay in Muqdisho xoogga la saaro, maadamaa ay tahay halkii ay ku shaqeynaysay dowladda dhexe.

Dhanka kale, Wuxuu soo hadal-qaaday khilaafka xilligan u dhaxeeya DFS iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah, Wuxuuna sheegay in Dowladda ay ku mashquushay baraha bulshada, taasna ay sababtay in ammaanka Dalka uu xumaado.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay madaxda sare ee maamul-goboleedyada ay sheegeen inaysan Muqdisho amni ahayn oo aysan ku shiri karin, taasoo uu RW Khayre jawaab kulul ka bixiyay.

Dhageyso hadalka Xildhibaan Ganey uu ka jeediyay Baarlamaanka

PUNTLAND POST