Waxaa wali muran ka taagan yahay magacaabida Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland.
Labadii doorasho ee dambeeyay Puntland 2009, 2014 waxaa jiray muran u dhexeeyay Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo iyo musharaxiinta u tartamaysa doorashada, kaas oo ahaa cidda awood u leh in ay magacowdo Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub, balse is jiid-jiid kadib waxaa digreetooyin ku magacaabay Madaxweynayaashii Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole.
Masharaxiinta ayaa ku doodi jiray in ay qaar kamid ah guddigaas ay soo magacowdaan ama wax laga weydiiyo, halka Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayana uu ku adkaysan jiran in ay awoodihiisa kamid tahay magacaabida Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland.
Muraankaasi waa mid wali taagan oo aan xal loo helin, kadib markii shalay 16, 09, 2018 markii ugu horeysay Musharax Faarax Cali Shire oo ka tirsan Musharaxiinta u taagan doorashada Puntland 2019 uu sheegay in guddigaas ay noqdaan mid musharaxiinta, Issimada iyo Madaxweynuhu isla ogyihiin.
“Guddiga khilaafaadku waa in uu noqdo mid musharaxiinta, Issimada iyo dowladdu isla qaataan, isla ogyihiin is kulana qanacsan yihiin cidda la keenayo, waa in la keenaa dad bushadu ku qanacsan tahay, waa in la keenaa dad bushadu bidayso cadaalad, yaan dhib aan jirin la abuurin” ayuu yiri Musharax Faarax Cali Shire.
Musharaxiinta utartamaysa doorashada Puntland 2019, ayaa ah kuwa inta badan aan isku mowqif ahayn, waxaana jira danno is diidan oo uu mid walba leeyahay, waana tay doorashadani kaga duwan tahay kuwii hore oo musharaxiintu hal dhinac ahaayeen , marka laga reebo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday oo isaguna musharax ahaan jiray.
Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ay qorsheynayaan sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida guddigaas, si ay ugu fududaato in ay soo laabtaan.
Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood waxayna shaqadoodu tahay wixii hubin iyo khilaafaad ah oo ka jira xubnaha ay soo xusheen beeluhu, iyagoo hubinaya qofka saxa ah ee wata saxiixa isinka beesha ama kan deegaanka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ilaa iyo hadda shaacin in uu mar kale tartami doono iyo in kale, balse warar hoose ayaa sheegaya in uu san tartamayn doorashad 2019.
Doorashada Puntland 2019 ayaa ah mid ka xamaasad badan kuwii hore, sidoo kale aan fursanayn faragalin ka madax banaan Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.