Keating oo ka dayriyay xaaladda Tukaraq

Ra’iisul wasaare Kheyre oo sagootinaya Michael Keating

Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating oo hadda wakhtigiisii soo gaba-gaboobay ayaa ka hadlay xaaladda colaadeed ee Tukaraq iyo doorkii ay ka qaateen.

Keating ayaa sheegay in colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay tahay mid wali aad u kacsan oo ay dhici karto in ay gacanta ka baxdo.

Keating wuxuu xusay in muddo lix bilood ah Qaramada Midoobay iyo saaxiibada la howlgala sida IGAD iyo kuwa kale ay gacan ka geysteen in laga hortago inay gacanta ka baxdo oo la xakameyn waayo colaadda Tukaraq.

“Xaaladda colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq, ee u dhexeysa Puntland iyo Somaliland, ayaa weli ah mid aad u kacsan, oo dhici karta inay gacanta ka baxdo. Laakiin muddo lix bilood ah, anagoo la shaqeyna saaxiibada aan isla hawlgalno sida IGAD iyo kuwo kale, waxaan gacan ka geysanay in la hortago inay gacanta ka baxdo oo la xakameyn waayo. Colaadaha qaar ayaa ku fiican in lagu xalliyo in Dowladda laga qaybgeliyo, qaar sidaa ma aha, qaarna waxay dadka qaar u arkaan inay u wanaagsan tahay in beesha caalamka laga qaybgeliyo, qaar kale waxay arkaan inay wanaagsan tahay in beesha caalamku ka joogto oo aan ku lug yeelan, qaar ka mid ahna waa in lagu xalliyo iyadoo loo marayo haweenka ama bulshada ganacsatada ah”. sidaas waxaa yiri Michael Keating oo ka hadlayay xaaladda Tukaraq.

Michael Keating ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay wixii u qabsoomay iyo wixii uu la kulmay mudadii uu ka shaqeynayay Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in beesha caalamku waxba ka qaban wayday colaadda Tukaraq.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa muddo siddeed bilood ah isku hor-fadhiya ciidamo Puntland iyo Somaliland ah, kuwaas oo labo jeer oo hore dagaal kharaar dhexmaray, waxaana hada laga cabsi qabaa dagaal mar kale ka dhex-qarxa.

PUNTLAND POST