Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo sheegay inay si adag ula dagaallamayaan…

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shir ay yeesheen garsoorka dalka iyo Hay’adaha Cadaaladda ku lugta leh, sida maxkamadaha dalka, Xeer-ilaalinta guud, Booliiska, Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha loo hadlay arrimo ku saabsan amniga iyo cadaaladda dalka.

Baashe Yuusuf, ayaa sheegay in kulamadaas la isugu raacay sidii looga hor-tegi lahaa caqabadaha hor-taagan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan Garsoor iyo sidii ay ku fuli lahaayeen go’aanada kasoo baxa maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ayaa sheegay in la billaabi doono qorsho lagula dagaallami doono dadka isticmaalaya dukumiintiyada Dowladda FS ee la been-abuuray.

“Waxaan socda qorshe aan doonayno inaan uga hortagno dukumiintiyada kala duwan ee la been abuuro,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, kuwaasoo uu sheegay in lagu lunsado hanti kala duwan.

Ugu dambeyn, Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, ayaa ku soo beegmaya xiili ay jirto cabasho qaar ka mid ah shacbaka Soomaaliyeed ay ka keenaan Garsoorka dalka, laakiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare uu sheegay in wax badan laga qaban doono.

Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka;

PUNTLAND POST