Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Cabdi oo gaaray Cadaado

Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi

Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shalay la sheegay in xilka laga qaaday iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka yimi degmada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shalay la sheegay in xilka laga qaaday ayaa soo gaaray Cadaado isagoo ka yimi magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha magaaalada ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Cabdi, xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Cali Gacal Casir oo hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada Galmudug qabsan doonaan shaqadooda dastuuriga ah, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada maqan in ay deg deg u yimaadaan magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaano Galmudug ah oo tiradooda ku sheegay 147 ayaa shalay sheegay in ay xilkii Guddoomiye ka qaadeen Cali Gacal Casir, balse Cali Gacal ayaa sharci daro ku tilmaamay.

Khilaafka madaxda Galmudug oo soo noqnoqday labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa salka ku yaha khilaafyada dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe oo ay masuuliyiinta ugu sareeya maamulkaas la kala safteen. 

PUNTLAND POST