Muran ka dhashay Xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa maanta xilkii ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku suganaa Muqdisho, waxaase kasoo horjeestay xil-ka-qaadista Casir oo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

Kulanka xilka looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ayaa ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug, iyadoo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo shir-guddoominayay kulanka uu sheegay in 146-xildhibaan ay isku raaceen in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka, hal xildhibaannada uu diiday.

“Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa 147-xildhibaan, waxaana 146-xildhibaan ay isku raaceen in xilka laga qaado guddoomiye Casir, hal xildhibaan ayaana kasoo horjeestay, sidaasd darteed codeyntu waa mid ansax ah,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo codeynta kaddib la hadlay wrabaahinta.

Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan guddiga doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug, inkastoo uusan sheegin xilliga rasmi ahaan ay ugu dhawaaqayaan guddiga.

Intaas kaddib, waxaa isna warbaahinta la hadlay guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisa ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

“Kooxda sheegtay inay xilka iga qaadeen uma aqoonsani xildhibaanno inay yihiin; waxaana dhici karaa waa xubnihii Ahlusunna ee la doonayay in lagu daro baarlamaanka Galmudug iyo shacab lasoo ururiyay,” ayuu hadalkiisa ku yiri guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday.

Dhanka kale, Casir ayaa sheegay in dhawaan ay xildhibaannada Galmudug ka hadli doonaan dhawaan wixii maanta ka dhacay Galmudug, ayna sidaas ku caddaan doonto in kooxaha shiray aysan xildhibaanno ahayn.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xilliyadii lasoo dhaafay ay jireen muranno ka taagan maamul-goboleedyada, kuwaas oo uu ku baaqay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya in la joojiyo si xal looga gaaro.

PUNTLAND POST