Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah musharaxiinta Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaad ka mid ah musharaxiinta KGS

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan kula qaaday magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Musharaxiin la kulmay Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa kala ahaa Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Maxamed Ibraahim Farkeeti, Aaamino Maxamed Mursal, Cabdullaahi Boonow iyo Yuusuf  Baadiyow waxayna ka wada hadleen arimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo sidii dowladda fedaraalka uga ilaalin laheyd faragelin lagu sameeyo.

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa in ay ka takhalusto Shariif Xasan doorashada dhaceysa bisha November ee fooda inaga soo heysa, uuna yimaada qof la siyaasada ah oo kamid ah musharaxiintan.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa kamid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, iyadoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in maalmaha soo socda uu shaacin doono musharaxnimadiisa, sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dalka Qadar uu dhaqaalaha ka taageeri doono.

Sanadkii hore ayaa dowladda Mareykanka shaacisay inay liiska argagaxisada adduunka ka saartay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay horey lacag gaareysa 5 milyan doollar madaxiisa dul dhigtay.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ururka Al-shabaab ka baxay sanado ka hor, wuxuuna mar ahaa afhayeenkooda.

PUNTLAND POST