Madaxweyne Gaas oo xariga ka jaray xarun cusub oo dowladeed

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay Garowe ku yeelatay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland,

Madxaweynaha Puntland ayaa xarig ka jarka xaruntan cusub waxaa ku wehelinayey qaar kamid ah golihiisa xukuumada, maamulka degmada, kan gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweyne Gaas oo kalmado kooban ka jeediyay munaasabadii xarig ka jarka xarunta ayaa u mahadceliyay madaxda Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wuxuuna xusay in ay laga maarmaan tahay in Wasaaraddu caasimada xarun ku yeelato.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in kheyraadka la hubo oo dalkeenu leeyahay uu yahay Kaluunka, sidaas darteedna laga illaaliyo xaalufka iyo jariifka, juhdi badan la galiyo ilaalintiisa.

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntlandku ayaa markii hore xarunteeda ugu weyn ku taalay maagaalada Boosaaso, tanina waa tii ugu horeysay oo laga hirgaliyo caasimadda Garowe.

Puntland ayaa leh xeebta ugu dheer Soomaaliya waana xeeb qani ah, balse waxaa fara kulul ku haya jariijka dalalka shisheeye.

PUNTLAND POST