Madaxweyne Farmaajo iyo Mustafe Cag-jar oo yeeshay kulan looga hadlay arimo badan

Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray Wada-shaqeynta Dhex-mari karta Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Soomaalida-Itoobiya, waxaana labada mas’uul ay isla garteen in la xoojiyo xiriirka dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa is-beddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, kuwaasoo sabab u noqday in heshiis ay gaaraan Itoobiya iyo Eritrea oo ay colaadi u dhexeysay muddo 20-sano ah.

Madaxweynaha DDSI, Mustafe Cag-jar ayaa dhawaan xilka loo magacabay kaddib markii bishii lasoo dhaafay ay rabshado uu dhiig ku daatay ka dhaceen deegaannada maamulkaas uu ka kooban yahay, sida Jigjiga oo lagu dilay tiro dad ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyan.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb-galaya kulanka ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku bahoobay ururka IGAD, kaasoo looga hadli doono Xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaysa Urur IGAD oo ay horay uga baxday.

Ugu dambeyn, Gobolka Geeska Afrika ayaa wuxuu u muuqdaa mid isbedello waaweyn ay ka dhacayaan, waxaana lagu wadaa in dhawaan kala saxiixdaan heshiis nabadeed dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo ku Dagaallamay lahaansaha dhul ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Dumeyra.

 PUNTLAND POST