Dagaal ka dhacay Degmada Marko

Wararka naga soo gaaraya Degmada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus.

Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiha ka soo weeraray degmadaasi sida uu Goobjooge halkaasi ku sugan u sheegay PUNTLAND POST.

” Mar qura waxaan maqalnay jug culus iyo rasaas xoogan oo ah dagaal u dhaxeeya Dowlada iyo Al-Shabaab waxaan dareenay cabsi xoogan” ayuu yiri Goobjoog aan la hadlay.

Degmada Marka ayaa dhowaan waxaa la wareegay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kadib markii muddo ay halkaasi maamulayeen Al-Shabaab.

ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi walina masuuliyiinta dowlada kama hadlin dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho.