Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay in la jir dilay iyo Itoobiya oo ka hadashay

Cabdi Maxamuud Cumar oo ciidamo xiraya hareera ka socdaan, xiligii loo waday xabsiga

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay in la jir dilay, halka dowlada federaalkana ay beenisay warkaas.

Sadiiqa Cabdi Ismaaciil Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegtay in ay aragtay askar garaacaysa oo jaranjar ka soo tuuray, kadib markii ay ka soo saareen qolkii uu ku xirnaa.

Sidoo kale hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar Diib Mahad Colow ayaa sheegtay in ay arkeysay xiligii ugu dambeysay askar meel wasakh ah ku jiidaysa, isagoo miyir beelsan, hadana aysan war ka hayn in uu dhintay in kale.

Eedeymahaasi markii ay soo baxeen waxaa ka jawaabtay dowlada federaalka Itoobiya, Taliyaha Booliska federaalka Jeneraal Zeyinu ayaa BBC-da u sheegay in eedeyntaasi been tahay.

Jeneraal Zeyinu Taliyaha ciidanka Booliska federaalka Itoobiya ayaa sheegay inkastoo Cabdi Maxamuud Cumar lagu eedeeyay dambiyo culus in ay hadana ula dhaqmayaan si wanaagsan.

Bishii hore ee Agoosto ayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo afar qof oo kale oo mid dumar tahay la keenay maxkamada, waxayna ogolaatay in 14 berri xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo cadaymaha dacwada lagu soo oogay.

Xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto eedo la xiriira ku tagrifal awoodeed, isir iyo diin takoor iyo kicin qalalaase.

Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran.

PUNTLAND POST