Mooshin laga Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug

Cadaado (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa Maanta laga gudiyay mooshin, kaasoo gacanta loo geliyay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayay wararku sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye, Cali Gacal Casir, inkastoo aanay horay u jirin khliaaf u dhexeeya labada mas’uul.

Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku sababeeyay inuu gabay shaqadii loo igmaday, ayna lagama maarmaan tahay in lala xisaabtamo.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhawdahay 90-xubnood ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal ayaa ka hor-yimid mooshinka laga gudbiyay wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah aysanna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay ka gudbiyeen mooshinka.

Dhanak kale, Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Casir, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka ka dhex-jira madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug, iyadoo guddoomiyuhu uu diiday go’aankii dhawaan ay madaxda maamul-goboleedyadu kasoo saareen Kismaayo.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreeyay oo mooshin noocan oo kale ah laga gudbiyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, iyadoo la xusuusto in bishii Jannaayo ee sannadkii 2017-ka mooshin laga gudiyay Casir, inkastoo xilli dambe si hoose loo xalliyay.

PUNTLAND POST