Faallo:- Doorashada Puntland 2019 waa daaha dabadiisa!

Sida qorshuhu yahay Puntland 8-da Janaayo 2019 waxaa ka dhacaysa doorasho madaxtinimo oo Wakiilo ay soo xuleen odayaasha dhaqanku ku dooranayaan Madaxweyne iyo ku xigeen, ballantu waxay ahayd shan sano ka hor in doorashada 2019 ku dhacdo nidaamka xisbiyada ee qof iyo cod, balse ballantii oo aan la fulin ayaa sababtay in ay qaabkaas ku dhici weydo.

Musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa u muuqda kuwo diyaargarow xooggan u soo galay musharaxnimdooda, isla markaana wata maalgalin xooggan, mid walba wuuxu la yimi qorshe uu ku maarayn karo ololahiisa doorashada, waxaana dalka iyo dibadaba wali ka  socda munaasabadaha ay musharixiinta ku shaacinayaan damacooda siyaasdeed ee 2019, sidii caadada ahayd in ka badan saddex meelood labo meelood waa qurba-joog ka timi dalka dibadiisa.

Musharixiinta waxaa weheliya siyaasiyiin badan oo uu damac kaga jiro haddii musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto Puntland 2019 ka heli doonaan mansab siyaasdeed, halka qaarka ay doonayaan in ay saladdooda u soo qaataan hantida Puntland ee iska baylahan.

Mid kamid ah walaacyada ugu weyn ee laga qabo doorashada Puntland 2019 ayaa ah musuqmaasuqa, wax isdaba marin ayaa ka dhici karta xulista Baarlamaanka, musharaxiinta qaar ayaa faragalin ku haya beelaha, waxayna wadaan qorshe ay ku xulanayaan xubnaha Baarlamaanka, halka qaarna ay rabaan in ay lacago farabadan ku badashaan cododka, sidoo kale waxaa jira shaki ah in doorashadu  dib uga dhaci karto xiligii la qorsheeyay ee 8-da Janaayo , waayo waxaa jirta arrin saameyn ku leh oo ah mushkilada Tukaraq oo aan wali xal loo helin.

Doorashada 2019 waa mid ka duwan doorashooyinkii hore ee Puntland, saansaanta jirta marka dhinac kasta laga eego waxaa si cad u muuqata in aysan fursanayn faragelin ka madax banaan Puntland.

Yaa ku loolamaya doorashada Puntland 2019?

Siyaaasadda Puntland oo halka khadka ka xariiqo ay ahaan jirtay arrimaha qabiilka ayaa doorakan taas ka duwan, waxaana doorashada 2019 daaha dabadiisa kaga loolami doona xisbiyo siyaasadeed, dowladda federaalka, dalal shisheeye, ururo diimeedyo, ganacsato iyo kooxa kale oo dano gaara leh.

Federaalka iyo faragalinta Puntlansd

Mashruuca musuqmaasuqa ee lagu maal-gaalinayo Puntland 2019 waxaa ka qayb qaadanaysa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyada oo ay sii kordhayaan dadka ay u xirto eedeymaha musuqmaasuqa, doorashooyin dhowr ah ayaa ka dhici doono maamul goboleedyada Soomaaliya 2018 iyo 2019, dowladda federaalka waxay u baahan tahay in ay sii waddo taageeridda iyo lacag siinta dadka ay is leedahay taageero ayay kuu yihiin, taariikhda haddii dib la eego xubnaha ay dawladdu taageerto haddii ay guuleystaan uma badna in ay raacaan siyaasadeeda, iyadoo saas tahay waxay hadana taageero siinaysaa dhowr musharax oo maamul walba ah, si ay u ciqaabto madaxda maamul goboleedyada ee diiday in ay ka dambeeyaan.

Ilaa labo musharax oo Puntland ah ayaa federaalka taageero ka heli kara, kuwaas oo kala ah Asad Cismaan Diyaano iyo Faarax Cali Shire, Asad waa Agaasimaha ciidamada PSF Puntland waa nin dhalinyaro ah, sidoo kale Farax Cali Shire waa Wasiirkii maaliyadda xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu saaxiib dhow la yahay Xildhibaano federaalka ah oo galaangal hoose ku leh Villa Somalia oo uu ka mid yahay Cali Yusuf Cali Xoosh, labada musharax waa labo shakhsi oo hufan taas ayaana moodaa inay ku saleysan tahay xulashada federaalka.

Madaxweyne ku xigeen Puntland Cabdixakiim Camey ayaa ah ninka kaliya oo faderaalka baariga u ah oo Puntland xil ka haya taagero ayuu ka heli karaa hadii ay ku jirto damac dambe oo ah Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale federaalka ayaa Puntland ka sameystay kooxo dhalinyaro ah oo Internet-ka wax ku qora kuwaas oo taageera siyaasadeeda, waxay dhaleeceeyaan madaxda Puntland marka uu yimaado khilaafyada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, ciidamada Internet-ku maalinba maalinta ka dambeysa waa sii kordhayaan, Puntland ayaa mararka qaar u geysata xarig iyo shaqo ka ceyrin.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya

Iyadoo doorashada Soomaaliya 2020 ay ku saleysnaan doonto gobalo, waxay xisbiyada siyaasaddu rabaan in ay saameyn ku yeeshaan is bedelada ka dhacaya dowlad goboleedyada, sidaas darteed waxay doorashooyinka Daaha-Dabadiis u gali doonaan musharaxiinta ay taageerada ka heli karaan.

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonaa xisbi siyaasadeed aad u abaabulan oo uu hogaanka u qaban doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xisbigaas waxaa ku midoobi doona dhowr xisbi oo uu kamid yahay Damu-jadiid, doorashada Puntland 2019 waxaa hubaal ah in uu ku yeesho saameyn, waxaana jira isku xirnaasho ka dhaxeysa qaar kamid ah musharaxiinta iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Siciid Cabdulaahi Deni oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad Puntland ayaa taageero ka heli kara xisbigaas sida ay u badan tahay, Deni iyo Xasan waa saaxiibo soo wada shaqeeyay, sidoo kale waxay xulufo wada ahaayeen doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xisbiga  RAJO: Faragalinta doorashada Puntland 2019 waxaa si bareer ah oo aan gabasho la hayn u cadeystay xisbiga RAJO, Dr. Cabdicasiis Takar oo kamid ah xubnaha xisbigaas oo maalmo ka hor la hadlayay qaar ka mid ah taageeyaasha xisbigaas ee Puntland waxa uu qeexay cida ku loolami doonta doorashada Puntland 2019, waxa uu sheegay in qabiil iyo afraad aysan midna ku tartamayn, balse ay u dhaxeyso labo koox oo kala ah koox ay ku jiraan kuwa horey kartidooda loo tijaabiyay oo xumaan iyo musuqmaasuq lagu yaqaan oo ah kooxdii sharka iyo koox ay hormuud u tahay RAJO oo badbaadin doonta Puntland.

Dr. Cabdicasiis Takar waxa uu sheegay in kooxda sharku ay faafiyeen been ah in lacag ay bixin doonaan, ilaa iyo hadana ay kaga adkaadeen magacyada yar ee Xildhibaanada la soo xulay, wuxuu si laab lakac ah u xusay in RAJO  hadii ay guuleysato ay xabsiga Garowe dhigi doonto musharaxiinta ay ku cadaato in ay ka qeyb qaateen musuqmaasuq.

Ganacsatada: Doorashada Puntland 2019 waxaa ka mid ah dhinacyada saameynta ku yeelan kara ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa wax kala soo dega dekadda Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay aan xiriir fiican iyo wada shaqeyn ka dhaxeyn dowladda.

Ganacsatadu iyagoo dhowraya danta ganacsigooda waxay taageero siin karaan qaar kamid ah musharaxiin, ninka kaliya ee ay luuqadiisa akhriyi karaan ayaa ah Deni oo xiriir fiican ay leeyihiin.

Dalalka Shisheeye: Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaa saameynayay hardanka Shisheeye, kuwii 2012 iyo 2017 waxaa faragalintoodii ku guuleystay dal yaraha Qadar, Imaaraadka ayaa kamid ahaa dalalkii looga awood roonaaday, taas waa tan keentay in dowladda federaalku dhexdhexaadkii ay sheegtay in ay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka uu run noqon waayo oo ay u janjeersatay dhanka Qadar, taasi waxay sii sababtay in Imaaraadku yareeyo taageeradii uu siin jiray dowladda ee dhanka Koonfurta.

Imaaraadka iyo Puntland waxay leeyihiin xirii soo jireen ah, sidaas darteed Abu Dhabi iyada oo difaacanaysa danaheeda  gacanka waxay faragalin ku sameyn doontaa doorashada 2019, bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii wafdi Imaaraadka ah ay Qardho iyo Badhan kula kulmeen qaar kamid ah Issimada Puntland, xogo hoose waxay sheegayaan in ay mid ahaayeen arrimihii ay kawada hadleen doorashada 2019, ma cadda cidda uu garab siin karo,

Qadar faragalinta Puntland 2019 waxay uga dambeyn doontaa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dhanka dhaqaalaha ka taageeri doonto is loogu guuleysto in uu soo baxo qof la siyaasad ah Nabad iyo Nolol.

Qorshaha Cabdiwali Gaas 2019

Deegaanada Puntland waxaa ka socda hadal hayntii ugu badnayd oo ah Madaxweynaha Puntland Cadiwali Gaas ma tartami doonaa doorashada soo socota ee 2019 mase maya?,  Madaxweyne Gaas oo xil-hayntiisa ay uga dhiman tahay wax aan ka badnayn boqol maalmood ayaa wali cadeyn in uu tartami doono doorka dambe iyo in kale, balse xog hoose oo ay heshay  PUNTLAND POST ayaa sheegaysa in uusan Dr. Gaas qabin damac dambe oo ah hogaaminta Puntland.

Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland

Dr. Gaas waxa uu xasuusan yahay waayo aragnimadii uu u soo joogay khasaarooyinka laga dhaxlo Madaxweyne mar labaad isu soo taaga xilkii ka dhamaaday isagoo aan shaqadiisii lagu qanacsanayn, wuxuu goobjoog ka ahaa doorshooyinkii ay ku guuldareysteen Shiikh Shariif Shiikh Axmed 2012, Cadbiraxmaan Faroole 2014 iyo Xasan Shiikh Maxmuud 2017, labo kamid doorashooyinkaas tartanka ayuu ku jiray, sidaas darteed wuxuu fahan san yahay in aan Puntland mar dambe Madaxweyne loogu dooranayn wax walba oo dhaca.

Sida muuqada arrinta ahmiyada kowaad u leh Dr. Gaas ayaa ah doorashada Soomaaliya 2020, oo sida la rumeysan yahay uu u hanqal taagayo kursiga Villa Somalia, si taasi ugu suurto gasho Cabdiwali Gaas wuxuu maagan yahay labo qorshe.

Midda kowaad ayaa ah  inta xilka uga hartay in uu gacanta ku dhigo gobolka Sool oo muddo dheer ay ka talinaysay Somaliland, taas oo hadii ay u suurto gasho uu teegeero badan kaga heli karo gobolada SSC ,uuna fuliyay ballantiisii ahayd “Laascaano Faataxo laguma qabsan”, taasi waxay iman kartaa iyadoo dagaal ka dhex qarxo ciidmada isku hor-fadhiya Tukaraq.

Midda labaad ayaa ah in uusan u taratmin doorashada Puntland 2019, balse uu dhabarka ka soo riixo musharaxa uu ka dhex arko dantiisa, uuna fuliyo ballantiisii ahayd “Shan sano waa igu filan tahay” taas waxa uu ku heli karaa sumcad weyn wuxuu noqon karaa Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo doorasho qabta isaga oo aan tartamayn.

Musharaxa uu ku taageeri karo doorashada Puntland 2019 ayaa xog hoose sheegaysaa in uu yahay Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo ay si isugu xiran yihiin, Eng. Jabiye waa nin saaxadda siyaasadda ku cusub, oo ah ganacsade qurba-jooga, ma ahan nin wax badan laga yaqaano gaar ahaan Warbaahinta.

Xasuustii Dr. Gaas 2014-2018

Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa hogaanka Puntland loo dhiibay 8-dii Janaayo 2014 mudadii uu xilka hayay wuxuu hogaamiye ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo, iyadoo uusan fulin wax badan oo kamid ah ballamihiisii dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana la oran karaa waxa uu ahaa “Hillaacii lagu hungoobay”.

Dr. Cabdiwali Gaas mudadii uu xilka hayay waxaa Puntland soo wajahay duruufo adag oo aan inta badan waxba laga qaban, iyadoo siyaasada Dr. Gaas lagu bartay ay ahayd in uu dhegaha ka fureysto arrimaha qalafsan ee ka hor-yimaada maamulkiisa, isagoo aaminsan oraahda dhaheysa “Wax walba iyagaa isa saxa“.

Dr. Cabdiwali Gaas waxaa arrimaha uu ku fashilmay ugu waaweyn in uu fulin waayay ballantiisii ahayd in uu 2019 Puntland gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale fashilkiisa waxaa laga xusi karaa mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariic wahelisa oo ay ku ka ceysay lacag dhan 30 milyan oo doolar, oo fashilmay kadib markii la musuqmaasuqay, sida ay sheegtay dowladii maal-galinaysay.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas intii uu joogay Puntland wuxuu ka sameeyay xaalufin ba’an oo dhaqaale uruursi ah, waxaa la aamin san yahay in dhaqaalle farabadan oo uu doorshada Soomaaliya 2020 ku gali karo ka meelaysatay mudadii uu xilka hayay.

Cumar Cabdirishiid hankiisu ma yahay Puntland?

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa siyaasi caan ah, hadana waa dhal madaxeed oo waxaa dhalay AUN Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ahaana Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa ninkii labaad oo labo jeer noqday Ra’iisul wasaare Soomaaliya, doorashadii 2017 waxa uu u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u ahaa musharaxii saddexaad oo ugu codadka badnaa, hadana waa Senator ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida aan xog ku helnay Cumar Cabdirashiid qorshaha uguma jirto in uu isu soo taago doorashada Puntland 2019, balse waxaa dhici karta in uu uga qeyb galo si dadban oo ah in uu garab siiyo mid kamid ah musharaxiinta, sidoo kale waxaa dhici karta in uu banaanka ka is taago oo uusan wax faragalin ah ku sameyn Puntland.

CC Sharmake,Faroole,Gaas iyo Juurile oo shir xasaasiya ku yeeshay Garowe,12 December 2016.

 

CCC Sharmarke ayaa ah siyaasiyiinta ku hanweyn doorshada Soomaaliya 2020, wuxuuna hankiisu yahay Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare, sidoo kale waxaa jirta kala fogaansho siyaasadeed oo u dhaxeysa isaga, Cabdadiwali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, taas oo soo bilaamatay doorashadii Soomaaliya 2017 oo ay ku kala aragti duwanaayeen.

Doorka dadweynaha iyo doorashada

Dadweynaha Puntland waxaa labaatan sano kadib wali ku albaaban odayaal dhaqameedyo ku matala masiirkooda siyaasadeed iyo siyaasi ratigiisa ku kacsada, taas waxay kala mid yihiin gobolada kale ee Soomaaliya marka laga reebo Somaliland.

Xulista Xildhibaanada Puntland wax go’aana kuma laha dadweynuhu, waxaa u madax banaan odayaasha dhaqanka oo mararka qaar xeeriya danahooda gaarka ah ama dano siyaasi ama kooxi leedahay, dadweynuhu mar kale ayay daawadayaal ka noqdaan go’aanka uu ku yimaado Madaxweynuhu oo mararka qaar iib ah, waxayna ugu dambeyn dhibane u noqdaan go’aanka iibka.

Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013-kii markii ugu horeysaty isku dayday in ay Puntland ka hirgaliso nidaamka xisbiyada badan, balse qeyb kamid ah dadweynaha oo ay adeegsadeen siyaasiyiin dano lahaa ayaa  ka hor-yimi arintaas, intii ka dambeysay ma jirin cid isku day-day nidaamka xisbiyada.

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay iminka rajo ka qabaan in doorashada 2019 ay keeni doonto is bedel dhaama midka hadda , balse waxay moogyihiin in marka hore la helo Xildhibaano, Madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya.

PUNTLAND POST

GAROWE