Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo heshiis la gashay Hay’ado Caalami ah

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa heshiis is faham ah magaalada Nairobi kula saxiixatay Xarunta  Caalamiga ah ee  Qiimaynta iyo Horumarint ee lagu magcaabo ICED taas oo waddamo badan caalamka ah ka hawl-gasha.

Heshiiska oo ah mid looga gollahaa iskaashi dhex mara labada dhinaca oo la xiriira tayay iyo khibrad is weydaarsi ayaa dhanka Puntland waxa laysla qaatay in wax laga qabto tayaynta shaqaalaha Waaxda Qiimaynta iyo Kormeerka ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland  iyo sidookale  sidii loo dejin  lahaa hannaan daah furan oo ku salaysan xog is weydaarsi.

Sidoo kale waxaa laysla qaatay in lawada diyaariyo Manhajka barashada Daraasaadka Kormeerka iyo  Qiimaynta si loo waafajiyo baahida rasmiga ah ee Waddanka ka jirta iyo sidoo kale in Wasaaradda iyo Xaruntu ay yeeshaan kulamo  is dabo joog ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dhinac.