Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 8aad

QARAN-JABKII SOOMALIDA IYO DHICISTII DAWLADDII DARGIGA.

Masiibadii ka dhalatay dagaalkii guuldarada reebay, waxay u saamaysay labadii dhinacba siyaabo isku mida, waxayna sabab u noqotay natiijo isku mida oo ahayd in labadii rajiimba ay xili isku mida qaab ama sifo isku mida ay u dhacaan. Labadaba waxaa xukunkii kala wareegay jamhado ku xoogaystay dagaalkii amaba dagaalka laftigiisa ka dhashay. Sida ay horayba ugu sii saadaaliyeen wargaysyadii reer galbeedku dabayaaqadii dagaalka, iyaga oo xiganaya dublamaasiyiin carbeed , waxaa markii dagaalka laga soo noqdayba ka dhacay Soomaaliya cinqilaab aan lagu guulaysan. Fal-celintii ka dhalatay cinqilaab kaas iyo cadaadiskii iyo caburintii ay xukuumaddii kacaanku ku soo rogtay shacbigii Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhashay halgankii hubaysnaa ee dhalay jamhadihii qabiilka ku salaysnaa ee aakhirkii tuuray dawladdii kacaanka. Nasiib daro jamhadihii xukunka la wareegay way ku guulaysan waayeen inay dawladnimadii hantaan.

Haddii uu xaalkii Soomaalidu sidaas ku intahooday, arinta Xabashudu way ka gadisnayd sidaas. Kolkii ay Dargigu xukunka la wareegeen bartamihii todobaatanaadkiiba waxaa jiray jamhado markaas aasaasmay iyo kuwo kele oo dagaal hubaysan kula jirey dawladdii dergiga. Ururadii xoraynta Ereteriya iyo Tigray labaduba waxa ay dagaal kula jireen dawladdii Dergiga illaa ay sanadkii 1991 taladii ka tuureen taliskii Mingistu. Nasiib wanaag si ka gadisan sidii jamhadihii dawladda Soomaalida riday ayay TPLF u maaraysay taladii Xabashida. Waxay na dhidibada u aaseen dawladnimadii.

SIYAASADDII TPLF/EPRDF EE KU AADANAYD QOOMIYADAHA

Kolkii xukunkii dargigu uu dhacay waxaa taladii dawladda Itoobiya la wareegatay jamhaddii TPLF oo ahayd jamhad hubaysan oo ay la haayeen qowmiyadda Tigreegu. Sida aynu horayba u soo sheegnay Tigreegu waxa ay kamid ahaayeen shucuubtii Saamiyiinta ee hijrada ku yimid dhulka xabashiada waxayna raas wadaag ahaayeen qowmiyadda Amxaarada. Labadan qowmiyadood waligoodba waxaa ka dhexeeyey xurguf iyo xiniinya taabad. Inta badan dhulka waxaa xukumi jirey qowmiyadda amxaarada oo nasab kooda ku arooriyey faracii Nabi Sulaymaan. Laakiin Tigreegu waxay mar walba ahaayeen cidda difaacda dhulka xabashida iyo geesiyaal sooma-jeestayaala. Haddii aad akhrido kitaabka Futuux Al-Xabasha waxaad arkaysaa kaalintii ay ku lahaayeen dagaaladii Iimaan Axmed Gurey lala galay. Dhamaan dagaaladii Itoobiya lagu soo qaaday qarnigii 19aad, marka laga reebo kii Ingiriisa waxaa hor-jooge ka ahaa tigreega. Dagaaladii Turkida, Masaarida, Mahdiyiinta iyo Talyaaniga intaba ayagaa laf-dhabar u ahaa.

Qowmiyadani oo dad ahaan aad u tira yar, markii ay qabsadeen dalka  waxay la yimaadeen siyaasad ay muddo wax ku xukumaan. Waxay markiiba madax banaanidooda siiyeen Erteria. Waxay sameeyeen dastuur cusub oo Fadaraala oo ay ku qoreen qodobkiisa 39aad in cid waliba ay xaq u leedahay inay aayaheeda ka tashato marka ay damacdo. Maadaama ay yihiin qoomiyad tira yar waxay u muujiyeen qoomiyadihii laga badnaa saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi. Waxay dalkii u kala qaybiyeen dhawr waaxood oo isir ku dhisan, isir walbana waxaa la siiyey ismaamul hoosaad iyaga u gooniya. Gobollada la sameeyey waxa ay ahaayeen Tigray, Amhara, Oromo, Somali, Anfar, Harari, Benishangul-Gumuz, Gambela iyo reer koonfureed (reer koonfureedku waa koton iyo lix qoomiyadood oo aan carrab iyo cirqi ama dhiig iyo dhalasho midna aan isku raacin ee uu mideeyey deegaan, waxaana ugu wayn qowmiyadaha Siddamo, Welayta, Hadiya, Gurage, Silte iyo Gedoe.) Waxaa isir walba loo ogolaaday inay afkooda qortaan kuna hadlaan. Qowmiyadaha soo dhawaynta loo muujiyey  waxaa ka mid ahaa qowmiyadda Soomaalida walow aanay Soomaalidu fursadaas ka faa’iidaysan.

SIYAASADDII DAWLADDII EPRDF IYO SOOMAALIYA

Siyaasaddii EPRDF ee ku aadanayd Soomaaliya waxa aynu u kala qaybin karnaa afar mar-xaladood. Marxaladda koobaad waxay ka bilaabanaysay markii ay xukunka la wareegeen illaa sannadkii 1996. Xiliggaan Tigreegu waxay ku dhaqmayeen siyaasad soo dhawayn iyo abaal gudida. Waxay dalkoodo u fureen dhamaan dadkii ka soo qaxayey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay. Waxay si cad oo aan mugdi lahayn qof walba oo Soomaaliya u siinayeen dhalshada dalkooda si ay ugu fududaato safarada ay aduunka ugu kala gooshayaan. Waxay qaban qaabiyeen dhawr shir oo la doonayey in dawlad loogu dhiso Soomaalida. Waxay dhex-dhexaad ka ahaayeen khilaafkii Soomaalida ka dhex alooosnaa. Marka laga reebo abaal ay Soomaalidu horay ugu gashay TPLF xilligii ay dagaalka kula jireen dawladdii dergiga, ujeedada labaad  ee siyaasaddan laga lahaa ayaa ahayd in dawlad Soomaaliya ka dhalataayi ay iyaga dan ugu jirto maadaama ay jamhad cusub oo aan wali xoogaysan ay ahaayeen.

Marxaladda labaad ayaa ahayd sanadkii 1996 illaa sanadkii 2002. Marxaladdaan ayaa ahayd marxaladdii faragalinta, isku dirista, kala qaybinta iyo ku duulitaanka. Siyaasaddii la qaatay marxaladdaan waxay ka dhalatay soo if bixitaankii Islaamiyiinta Soomaaliya gaar ahaan koonfurta. Waxayna si gooniya uga sii dhalatay dagaaladii Itixaadku ay ka wadeen gobolka Ogaden iyo maamulkoodii ay gobalka Gado ka sameeyeen ee ay talo iyo tabar-wadaaga ahaayeen. Waxay kale oo siyaasadaani xiriir la lahayd cilaaqaadkii ka dhaxeeyey beeshii Xuseen Caydiid iyo Islaamiyiinta. Dhanka kalana waxaa jirey warar sheegayey jiritaanka dhaqdhaqaaq Oromaa oo ku sugan gudaha koonfurta Soomaaliya. Amuurahan oo dhan ayaa ka dhigayey in dawladdii Itoobiya soo faragaliso Soomaaliya mararka qaarna ay si toosa ugu soo duusho, sida dagaaalkii ka dhacay gobalka Gado oo kale. Dawladda Itoobiya ma aanay doonayn xilligaan in wax dawladihi ay Soomaaliya ka dhalato.taas badalkeedna waxay door bidaysay kala qaybsanaanta Soomaalida, maxaa yeelay shaki ayay ka qabtay wada jirkooda.

Marxaladda saddexaad waxay ahayd  laga bilaabo sanadkii 2002 illaa 2010 kii. Marxaladdaan Itoobiya waxay qaadatay siyaasad ka gadisan tii hore, meeshii ay u arkaysay inaan loo baahnayn dawlad Soomaaliyeed, iminka waxaa u muuqda inay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad Soomaaliya ka arimisa laakiin iyada xabiibba u ah. Siyaasaddaan ayaa iyaduna ka dhalatay shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay. Dhacdadii September 11 iyo dawladdii ka dhalatay shirkii Carta oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid Islaamiyiintu ku lug leeyihiin iyo la wareegitaankii ay Carabtu gaar ahaan Masaaridu la wareegtay dadaalkii dawlad-dhisidda Soomaalida iyaga oo isticmaalya Jabuuti, ayaa ugu waynaa baraaruggii Xabashida ee xiligaan. Itoobiya iyada oo  kaashanaysa saaxiibadeeda reer galbeedka iyo dawladaha dariskaa ayaa sanadkii 2002 Soomaalida shir loogu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo ay ka dhalatay dawladda fadaraalkaa ee maanta jirta.

Marxaladda afraad ayaa ahayd laga bilaabo shirkii london sanadkii 2012 illaa iminka oo ay Itoobiya u muuqatay mid laga fogeeyey amaba daruufi ka fogaysay miiska lagu gorfeeyo masiirka ummadda Soomaaliyaeed. Marxaladdaan ayaa waxaa sabab u ahaa labo arimood oo tan koobaadi tahay isbadalka ku yimid geopolitical-ka geeska Afrika wixii ka dambeeyey soo galitaankii Turkidu ay soo gashay masrax-siyaasadeedka Soomaaliya. Taas oo sababtay in reer galbeedku ay iyagu masraxa  toos usoo fuulaan, meeshii horay wakiilka looga ahaan jirey. Tan labaad ayaa iyana ahayd xasilooni daro siyaasadeed oo ku habsatey Itoobiya taas oo ka dhigaysay Xabashida kuwo ku mashquulsan gudahooda. Haddaba waxaynu oran karnaa, wixii ka dambeeyey shirkii Londen 2012, Itoobiyaanku maanay ahayn cidda keliya ee talada Soomaaliya wax laga waydiiyo ee waxaa marba marka ka dambaysa soo yaraanaysay awoodihii xoogga badnaa ee ay Itoobiya mar Soomaaliya ku lahaan jirtey. Waxaana si xawliya isu soo tarayey awoodaha ay leeyihiin daneeyayaasha kale ee Somaaliya, sida Ingiriiska, Maraykanka, Turkida ,Qadar, Imaaraadka, Sucuudiga, iyo Norway.

Lasoco qaybta 9aad

Mohamed Ahmed Elmi