Aqalka sare ee Baarlamaanka oo bayaan kasoo saaray sababtii ay uga baaqdeen…

Muqdisho (PP) ─ Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kal-fadhiga afaraad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga sare ee Aqalka sare ayaa ka baaqsaday furitaankii Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, iyadoo la filayay in Labada Aqal oo wadajir ah in Kalfadhigooda 4aad la furi doono, balse Madaxweynuhu uu furay kaliya kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka.

Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha murugsan ee siyaasadeedamni iyo mida nidaamka Federaalka oo sii xumaanaya ee uu dalku marayo, waxaana Guddigu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin iyo dadaalo xaldoon ah oo uu Aqalka Sare u marayo matalaadiisa dastuuriga.

AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay Aqalka sare ee Baarlamaanka FS.

PUNTLAND POST