Soomaaliya ayaa qaadatay nidaamka Federaalka oo ah nidaam awooda Dawladnimo hoos u daadejinaaya isla markaana ogolaanaaya in gobalada Dalka intii is raaci karta ay samaystaan Dawlad gobaleed ay ku midaysan yihiin oo qayb ka ah Dawlad Federaal ah oo ay ku midaysan yihiin dhamaan Dawlad gobaleedyada Soomaaliyeed ee isku tegey.
Dadka Soomaaliyeed qaariba si ayey u arkaan hanaankan Federaalka, qaar ayaa aaminsan inuu yahay culays aysan Dawlada Soomaaliyeed qaadi karin oo si nasiib daro ah ay Dawlado shisheeye dusha u saareen Somaaliya, halka kuwo kalena aaminsan yihiin inuu yahay xalka keliya ee maanta lagu baadi goobi karo Dawladii Soomaaliyeed ee burburtay ku dhawaad 30-sano kahor, Dawlad gobaleedyada Dalka qaarkood oo ay kamid tahay Puntland waxayba qabaan in waxa kaliya oo ay Dawlad Soomaaliyeed qayb uga ahaan karaan u yahay hanaanka Federaalka.
Soomaaliya ayaa u muuqata markii ugu horaysay inuu ka jaanqaaday hanaanka Federaalka waxaana Gobaladda Dalka ka dhismay Dawlad gobaleedyo cusub, horay waxaa u jirtey Puntland oo iyadu u muuqatay mida uu kasoo maaxday hanaanka Federaalku.
Waxaase muuqata inuu jiro is-faham waa iyo kalsooni xumo muuqata oo ka dhex aloosan Dawlada dhexe ee Federaalka iyo Dawlad gobaleedyada Dalka kuwaas oo soo jirey dhamaan Dawladihii iyo Madaxweynayaashii kala danbeeyey ee soo maray Villa Soomaaliya.
Muxuu salka ku hayaa is-faham waagan:- Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya kalsooni xumo ka dhex jirta Dawlada Federaalka iyo Dawlada gobaleedyada Dalka, waxaa muuqata inay Dawladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay doonayso inay yarayso awooda faraha badan ee ay xiligan Dawlad gobaleedyadu leeyihiin ayna ka dhigto kuwo ku shaqeeya awaamiirta Villa Soomaaliya isla markaana si toosa u hoos yimaada, waxay Dawlada Federaalku u aragtaa Dawlada gobaleedyada kuwo marooqsanaaya awoodeheedii isla markaana isku arka inay la siman yihiin Dawlada Soomaaliya.
Dhanka Dawlad gobaleedyadda Dalku waxay Dawlada dhexe u arkaan mid ku socoto waxaare ka badan tii looga baahna ayna xiligan doonayso inay muquuniso maamuladda ka dhisan gobaladda Dalka iyada oo aan weli soo ceshan meeqaamkii ay lahayd, Dawlad gobaleedyadu waxay rumaysan yihiin inaysan Dawlada fadhigeedu yahay Muqdisho aysan marnaba raali ka ahayn Dawlad ku dhisan nidaamka Federaalka ayna doonayso inay guud ahaan gobaladda Dalka ka xukunto Muqdisho iyadoo gobal walba usoo magacaabanaysa gudoomiye gobal sidii dhici jirtey Dawladihii soo maray Soomaaliya 1960-1991, Dawlada gobaleedyadda ayaa aaminsan inaysan weli jirin Dawlad Soomaaliyeed oo hanan karta guud ahaan maamulka Dalka isla markaana ay u madax banaan yihiin arimahooda guud ahaan sida gelida heshiisyo caalami ah, la xajoodka Dawlado shisheeye iyo inta badan awoodihii laga rabey Dawladda dhexe.
Madasha iskaashiga Dawlad gobaleedyada:- Madasha iskaashiga Dawlada gobaleedyadda Dalka waxaa ku midaysan shanta Dawlad gobaleed ee Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hir-shabeelle, waxaana gudoomiye u ah Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas, madashan oo lagu asaasay Magaalada Kismaayo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay waxaa muuqata inay tahay madal dani isu keentay ah oo ay xubnaha ku midaysan u samaysteen inay isaga difaacaan hajuunka iyo awood sheegashadda uga imaanaysa Dawlada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Dawlada Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna raisal wasaaraha ka yahay Xassan Cali Khayre ayaa awood ku muquunisay Madaxweynayaashii Hirshabeelle iyo Galmudug iyadoo Madaxweynayaal cusub u samaysay labadaas maamul gobaleed kadib is-faham waa soo dhex galay iyaga iyo madaxdii xiligaas hogaaminaysay maamuladaas, sidoo kale waxay isku dayday inay wadadaas mariso Madaxweynaha Galmudug oo mudo kooban xafiiska joogey, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Kan Jubbaland hase ahaate sida muuqata madaxda maamuladan oo dareemay inay doon wada saaran yihiin ayaa Kismaayo kaga dhawaaqay madasha iskaashiga Dawlad gobaleedyada.
Wax yaabaha ugu waaweyn ee keenaaya kalsooni xumada ka dhex jirta Maamulada iyo Dawladda dhexe ayaa loo sababeynayaa dastuurka wadanka oo aan dhamaystirnayn, isla markaana aan si cad u kala xadeynayn awoodaha Dawlada dhexe iyo Kuwa gobaladda, dhanka kale waxaa la sheegaa inaysan dhinicyadani aysan daacad ka ahayn wada shaqayn wanaagsan oo dhex marta iyadoo mid weliba awoodihiisa ixtiraamaayo.
Shirka Kismaayo:- Shirka xiligan ka furmay magaaladda Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa imaanaya xili khilaaf muuqday uu soo dhex galay Dawlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo shirkan marti gelinaaya, waxaana la filayaa inay soo saaraan marka uu shirkoodu soo dhamaado qodobo ay ku bar-bar joogsanayaan maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna is-xulufaysigan maamuladu u muuqda mid aan la dhayalsan karin oo Dawlada Federaalka ka hor istaagaaya inay faragelin toosa ku samayso maamuladda ka dhisan gobalada.
PUNTLAND POST