Baarlamaanka DDSI oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Golaha Cusub ee Wasiirrada

Jigjiga (PP) ─ Golaha Baarlamaanka Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Maanta Golaha Wasiirrada maamulkaas ee uu soo magacaabay madaxweynaha cusub Mustafe Cag-jar, iyadoo xildhibaannadu ay dood yeesheen ka hor ansixintooda.

Wasiirrada maanta la ansixiyay ayaa waxay ka kooban yihiin in ka badan 25 xubood oo ay ku jiraan laba dumar ah oo keliya, waxaana la sheegay in xubnahan ay intooda badan yihiin aqoon-yahanno khibrad u leh jagooyinka loo magacaabay.

Ansixinta golaha Wasiirrada DDSI ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa; Madaxweyne Musafe Maxamed Cumar [Cag-jar] iyo guddoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya, Axmed Shidde, waxaana shirka lagu ansixiyay golahan guddoominayay afhayeenka baarlamaanka DDSI, Maxamed Rashiid.

Sidoo kale, Xildhibaannada baarlamaanka DDSI, ayaa waxay isla maanta cod aqlabiyd ah ku ansixiyeen Hanti-dhawrka Guud ee Maamulkan oo loo magacaabay, Ismaaciil Axmed oo horay uga soo shaqeeyay maamulkan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa kaloo ay ansixiyeen isla maanta madaxa xafiiska macdanta iyo tamarta, kaasoo shaqadiisu ay noqon doonto sidii uu uga shaqeyn lahaa qoondada ay Dowlad-deegaanka Soomaalidu ku yeelan doonto shidaalka dhawaan laga helay deegaannada maamulkan oo lagu muransan yahay qoondada ay Soomaalidu ku yeelan doonaan.

Mas’uulkan xafiiskan oo aan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu shirarka la geli doonaa golaha wasiirrada, waxaana uu ka shaqeyn doonaan arrimaha xasaasiga ah ee ku aaddan shidaalka oo dhawaan laga helay deegaannada maamulka Soomaalida Itoobiya.

Golaha Wasiirrada DDSI ee la Ansixiyay ayaa waxay kala yihiin;

  1. Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar
  2. Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim
  3. Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi
  4. Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad
  5. Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi
  6. Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse
  7. Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed
  8. Wasiirka Beeraha C/qaadir Iimaan
  9. Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi
  10. Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan
  11. Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi
  12. Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji
  13. Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim
  14. Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq
  15. Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar
  16. Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan
  17. Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri
  18. Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali
  19. Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali
  20. Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed
  21. Wasiirka Sayniska Axmed Naaji
  22. Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib
  23. Maareeyaha Xafiiska Xirfadaha iyo Tababarrada
  24. Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali
  25. Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giirre
  26. Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi

Ugu dambeyn, Xukuumaddan ayaa waxay bedeli doontaa xukuumaddii ka horreysay ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee maamulka DDSI, Maxamed Cabdi Cumar oo dhawaan xabsiga la dhigay, iyadoo la sheegayo in xukuumaddan ay wax badan kaga duwan tahay middii ka horreysay.

PUNTLAND POST