Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 6aad

Itoobiya

XUKUNKII HAILE SALASE IYO DHISMIHII DAWLADDA CASRIGAA

Tafare Ras Makonnen waxa uu ahaa wiil uu dhalay Ras Makonnen Wolde Mikael oo ahaa janankii qabsaday magaalada Harar iyo gudoomiyaheedii qabsiga ka bacdi. Reer Makonnen waxay ku abtirsadaan qoyskii talada Xabashida haysan jirey ee Sulaymaaniyiinta. Ras Makonnen oo ah aabaha Haile Salase waxaa dhalay hoggaamiye dhaqameed Oromaa, laakiin dhanka hooyada uga abtirsada qoyska Sulaymaaniyiinta. Waxaana dhashay  boqor Menelik eedadiis Tenagnework Sahle Salase. Sahla Saalase ayaa ahaa Nuguskii reer Shawo iyo wiilkii Wason Sagad oo ahaa aasaasihii boqortooyada reer Shawo, oo mar ahaan jirtay dawlad islaama qarnigii13aad.

Horay waxaynu usoo sheegnay markii talada laga tuuray Lijj Iyasu ee ay Sawditu oo ahayd gabadhii Menelik xukunka la wareegtay in Ras Taffare (Haile Selasse) loo magacaabay dhaxal sugaha boqortooyada. Sawditu iyo Tafare waxay kala qaybsadeen xukunkii. Waxaa talada arimaha gudaha iska lahaa boqoradda oo ahayd qof macangagad xag-jira ah. Laakiin Taffare oo ahaa nin ka furfuran lahaana aragti siyaasadeed oo ka gadisan teeda ayaa qaabilsanaa arimaha dibadda. Waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa ninkii Itoobiya ku daray wixii la oran jirey League of Nations ( waa hay’addii markii dambe u xuub-siibatay Qarammada Midoobey) Taffare kolkii dambe waxuu usoo jeestay arimihii gudaha kolkii uu awoodiisii kor ugu qaaday cinqilaab aan dhiig ku daadan, boqoraddii oo aan weli dhiman. Wixii Haile Selasse ka horeeyey Itoobiya waxay ahayd dal madax-hoosaadyo fara badan u kala qaybsan. Inkasta oo Menelik uu ahaa ninka ugu awoodda badan raggaan haddana dawlad casriya ma uusan dhisin. Haile Selasse ayuu ahaa ninka dawladdaas dhisay.

Kolkii ay dhimatay boqoraddii Zawditu sanadkii 1930kii waxaa loo caleemasaaray Taffare boqorkii boqorada Itoobiya isaga oo qaatay magaca Haile Selasse. Markaas ayuuna bilaabay isbaddaladii dawlad-dhisidda. Waxa uu meesha ka saaray madaxdii uu islahaa midawga ayay caqabad ku yihiin. Waxa uu dhisay hay’adihii dawladda, isaga oo madax baneeyey ciidankii. Wuxuu sameeyey dastuur dalka ka dhaxeeya oo aysan ku xusnayn in masiixiyaddu ay tahay diinta dalka. Waxaa muslimiinta oo cadaadis ba’an lagu hayey loo ogolaaday madax banaani diimeed. Waxaa loo ogolaaday inay madax ka noqon karaan goobaha ay u badan yihiin iyo inay mansab ka qaban karaan dalka intiisa kale. Haile Selasse waxa uu ka talinayey dalka Itoobiye illaa ay ciidamadu talada kala wareegeen sanadkii 1974.

DUULAANKII  LABAAD EE TALYAANIGA IYO QABSASHADII ITOOBIYA.

Kolkii ay dawladdii Kahadifa Isma’il ee Masar ay ka kacday xeebihii badda cas dhamaadkii qarnigii 19aad, xeebaha ay banaysay waxaa ka mid ahaa marsooyinkii Eritrea ee ay gacanta ku haysay. Marsooyinkaas iyo dhulkii kale ee Eritrea ba waxaa markiiba qabsaday dawladdii talyaaniga sanadkii1890kii. Talyaanigu kuma ekaan qabsashadiisii Eritrea oo keliya ee waxa uu dhulbalaarsi ugu gudbay dhulkii Xabashida, kaas oo sababay dagaalkii koobaad ee Talyaaniga iyo Itoobiya. Dagaalkaas ayaa waxa uu dhamaaday kolkii Talyaaniga lagu jabshay goobtii Adwa sanadkii 1896. Waxay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis colaadda lagu joojinayo sanadkii 1897. Laakiin dawladdii Talyaaniga marna maskaxdeeda kama bixin jabkii loogu gaystay Adwa.

Markii dawladdii Fashiistadu la wareegtay xukunkii Talyaaniga waxa ay dib usoo celisay damaceedii ay ku qabsanaysay dalka Itoobiya. Saddexdii bishii October sanadkii 1935 ayaa ciidamadii talyaanigu waxa ay Itoobiya uga soo duuleen dhankii Eritrea iyaga oo gudaha usoo galaya gobalka tigray. Wax yar ka bacdina waxay furin labaad ka fureen dhankii bari iyo koonfureed ee dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo duulay Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen. Dagaalo kharaar oo socday in muddaa ka bacdi waxaa u suurawday talyaanigii inay gacanta ku dhigaan caasimadii Adis Ababa shantii May sanadkii 1936. Intii aysan caasimaddu gacanta Talyaaniga ku dhicin ayuu boqor Haile Selasse u baxsaday dhankaas iyo Jabuuti, halkaas oo uu ugaga sii gudbay dalka Ingiriiska. Waxaa la sheegaa intii uusan baxsan ka hor Haile Selase inuu amray in xabsiga lagu dilo boqor kii muslimka ahaa ee Lijj Iyasu oo ku xirnaa xudduuda Kenya, si aanay Talyaanigu xukunka ugu soo celin.

Dawladdii Talyaanigu waxay dalkii Itoobiya u kala qaybisay dhawr waaxood. Gobolkii Tigray waxay ku dartay Eritrea. Galla iyo Sidamo oo laysku darayna waxay ka dhigtay gobol gooniya. Gobolkii Soomaalida ee uu horay Menelik u qaatay ayay waxay ku soo celisay dhulkii Soomaalida. Amhara iyadana waxay ka dhigtay gobol gooniya. Horay waxa aynu usoo niri haddii aanu Talyaanigu celin lahayn damacii Xabshida dhamaadkii qarnigii 19aad Soomaaliya waxay lahaan lahayd xuduud ka gadisan midda ay maanta leedahay. Sidaas oo kale ayaynu iminkana leenahay haddii aan Talyaaniga lagu jabin lahayn dagaalkii labaad ee aduunka Itoobiya waxay u ekaan lahayd si ka gadisan sida ay maanta u egtahay.

SIYAASADDII TALYAANIGA IYO KOR USOO QAADIDDII MUSLIMIINTA  

Waxaa lagama maarmaana inaynu xusno siyaasaddii Talyaaniga ee ku aadanayd muslimiintii Itoobiya. Talyaanigu waxa uu markiiba bilaabay siyaasad kor loogu soo qaadayo muslimiinta iyo dadkii kale ee la gumaysan jirayba. Waxaa dadkii muslimiinta loo ogolaaday xoriyad taama oo ay diintooda ku haystaan. Waxaa looga dhisay goboladoodii masaajiddo iyo goobo kale oo diinta lagu barto. Waxaa loo sameeyey maxkamado shareecada wax ku xukuma iyo qaadiyadii xukumi lahaaba. Waxaa loo dhisay iskuulo waxbarasho iyo goobo caafimaad. Masaajiddada uu Talyaanigu dhisay ayaa waxaa ka mid ahaa masjidka wayn ee Addis Ababa iyo masaajiddada Harar, Dirirdhabe, Jigjiga, Lake Hayq, Dessye, Mettemma iyo Gonder. Waxa iyana la dayactiray masaajiddada Dese,Socoti,Chelga,Dabarek,Islamye iyo Dangelo. Waxaa afka caribaga laga dhigay luuqad labaad oo la siman tan amxaariga, gaar ahaan gobolada Harar iyo Jimma. Jimma waxaa laga furay mac-had lagu barto fiqiga islaamka oo ay ka soobaxaan qaadiyadu, kaas oo la oran jirey Dar al-culuum al-islaamiya. Waxaan oo dhan Talyaanigu waxa uu usamaynayey inuu ku hanto quluubta muslimiinta si uu xukunkiisa ugu helo teegeerayaal.

Hoggaamiyihii Fashiisatada Mussolini mar uu arintaas tilmaamayey isaga oo khudbad ka jeedinayey Libiya oo uu booqasho ku joogay waxa uu yiri: “Talyaanigu waxa uu usoo gudbinayaa shucuubta Libiya iyo Itoobiya nabad,caddaalad ,barwaaqo iyo ixtiraam uu uhayo sharcigii rasuulka” nasiib daro siyaasaddii Talyaaniga ee Itoobiya ma sii raagin maxaayeelay kolkii dagaalkii labaad ee dunida looga adkaaday qolyihii Talyaanigu ka midka ahaa, ayaa laga saaray dalkii Itoobiyana, halkaas oo ay siyaasaddisii ku istaagtay. Waxaa xukunkii dib ugu soo noqday Boqorkii dibad-wareegga ahaa ee Haile Selasse, sidaas ayaana mar labaad loo amaamuday dawladdii Itoobiya.

DIB USOO NOQOSHADII XUKUNKII HAILE SELLASE

Waxa aynu horay u soo sheegnay kolkii Talyaanigu uu duullaanka ku soo qaaday dalka itoobiya, in boqor Haile Selasse iyo qoyskiisiiba ay u baxsadeen dalka Jabuuti,  isaga oo xambaarsan khasnaddii dawladdiisa. Boqorku kuma uusan nagaan Jabuuti ee waxa uu uga sii gudbay dalka Ingiriisha oo uu ku sugnaa muddadii uu Talyaanigu Itoobiya xukumayey. Kolkii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunidu Ingiriiska ayaa ka saaray Talyaanigii dalkii Itoobiya, waxaana dalkii dib ugu soo noqday dawladdii dibad jooga ahayd ee uu boqorku hogaaminayey sanadkii 1941. Boqor Haile Selasse  waxa uu u istaagay  dib u  soo celintii qaranimmada Itoobiya. Marka laga tago isku dubbaridka iyo dhismaha hay’adaha dawladda, waxaa boqorka u yaalay laba hawlood oo waa wayn oo ahaa sidii uu ula wareegi lahaa dhulalkii Ereteriya iyo Soomaali-galbeed. Waxa aynu horay usoo sheegnay in xeebaha Erateriya laga bilaabo qabsahsadii ay Turkidu qabsatay qarnigii 16aad aysan gacanta Xabashida soo gelin. Kolkii dawladdii Cismaaniyiintu taag-daraysay ayay dhulkaan ku wareejisay Masaarida oo iyana dhamaadkii qarnigii 19aad ku wareejiyey Talyaaniga. Kolkii dagaalkii labaad ee adduunka looga gol-roonaaday Talyaaniga waxaa dhulkaan iyo dhulalakii kale ee uu Talyaanugu  haystay ba la wareegay dawladdii Ingiriiska. Iminka si uu dalkiisa uga saaro go’doonka, boqor Haile Selasse waxa uu doonayaa inuu la wareego Ereteriya. Isaga oo ay garab taagan yihiin dawladihii dagaalka ku guulaystay gaar ahaan Maraykanka oo lahaa damac ku aadan badda cas ayuu boqorku ku guulaystay inuu Ereteriya kusoo daro dalkiisa sanadkii 1952. Sagaal sano ka bacdi reer Ereteriya waxa ay dagaal hubaysan la galeen boqortooyadii Xabashida kaas oo socday soddon sano illaa aakhirkii ay ka noqdeen dal madax banaan.

Haddii aynu usoo noqona gobalkii Soomaalida Itoobiya waa tii aynu soo sheegnay kolkii Talyaanigu uu qabsaday dhulka xabashida in uu Soomaali-galbeed uu ku daray dhulwaynihii Soomaalida ee uu isagu ka talinayey. Kolkii uu jabay Talyaanigu damaan dhulkii Soomaalidu waxa uu gacanta u galay dawladii ingiriiska. Waxaa jirey heshiis ay Xabashidu la gashay Ingiriiska sanadihii 1942 iyo 1944 oo nuxurkiisu ahaa in dhulka Soomaalida lagu soo wareejiyo. 1946 ayaa ingiriisku ka kacay magaalada Dirir dhabe iyo dhulkii ku teedsanaa ee dariiqa xadiidku mari jirey. Sanadkii 1948 waxa uu Itoobiya ku wareejiyey dhulkii Soomaalida marka laga reebo dhulkii hawd iyo Reserve Erea loo bixiyey oo uu iyana kol dambe guddoonsiiyey. Kolkii uu Haile Selasse gudoomay dhulkaan waxa uu usoo jeestay sidii uu uga horjoogsan lahaa inaanay Soomaaliya xoriyadeeda qaadan. Waxaana lagu xasuustaa damaciisii ahaa in gobolada waqooyi ee Soomaaliya aanay la midoobin kuwii koonfureed, ee taas baddalkeeda lagu daro itoobiya.

La soco qaybta 7aad

Mohamed ahmed Elmi.