Fanaanka siyaasiga noqday Bobi wine ee ruxay xukunka Madaxweynaha Uganda oo xoriyadiisa helay

Maxkamada Sare ee Uganda oo ku taal magaalada Gulu ayaa damaanad kusii daysay mudanaha katirsan baarlamaanka Dalkaas ee lagu magacaabo Robert Kyagulanyi alias oo lagu naanayso Bobi wine.

Siyaasigan da’da yar ayaa horay u ahaa fanaan caan ka ah wadanka Uganda, wuxuuna kamid noqday baarlamaanka wadankaas isagoo u xuub siibtay siyaasi saamayn weyn ku leh Uganda.

Bobi wine oo xabsiga ku jirey maalmihii u danbeeyey waxaa lala siidaayey 12-qof oo kale, waxaana lagu soo oogey inay galeen khiyaamo qaran, iyadoo mudadii uu xabsiga ku jireyna ay Dalka ka dhaceen mudaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanaayo in xoriyadiisa lasiiyo kuwaas oo khatar geliyey amaanka Dalka guud ahaan.

Fanaankan hore hadana u xuubsiibtay siyaasiga ayaa aaminsan in Madaxweynaha Dalkaas xukumaayey mudada ka badan 30-ka sano Yoweri Museveni uu xukunka ku joogo sifo sharci daro ah, wuxuuna si adag ugu cel-celiyaa inuusan Museveni wadankaas sii xukumi karin mudo intaan ka badan.

Banaanka hore ee xabsiga laga siidaayey waxaa taagnaa labba ambalaas si ay u qaadaan Bobi wine oo ay dhaawacyo soo gaareen markii la qabanaayey lana rumaysan yahay in si aada loogu jirdiley mudadii uu xabsig ku jirey.

Daraasiin taageerayaasha siyaasigan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka markii damaanada lagu siidayey iyagoo u dabaaldegaaya siidaynta Bobi wine oo ay u arkaan halgamaa dagaal ugu jira dumuqraadiyada iyo tala-wadaaga Uganda.

Bobi wine iyo raga lala siidaayey ayaa la sheegay inay maxkamada mar kale kasoo muuqan doonaan 30-ka Bishan Agoosto iyo xili kasta oo ay maxkamadu u baahato.

Isku soo wada duubo arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Museveni uu doonaayo inuu mar kale u ordo xukunka Uganda isagoo bedelaaya dastuurka Dalka si meesha looga saaro da’da xakamanaysa Madaxweyne Museveni oo ah inuusan Madaxweynuhu ka weynaan 75-sano, halka uu Museveni iminka dhaafay da’daas, Bobi wine waa siyaasiga ugu adag ee kasoo hor jeeda bedelka dastuuka Dalka, iyadoo Madaxweyne Museveni uu ninkan u arko inuu khatar ku yahay xukunkiisa cimriga dheer.. Fanaankan siyaasiga u xuubsiitey ayaa qaaday hees lagu magacaabo waxaan u dagaalamaynaa xoriyadayada.

PUNTLAND POST