Ra’iisul Wasaare Khayre oo Hawl-wadeenada Dekedda Xamar ku Boorriyay Arrin Muhiim ah

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa ku tagay maanta Kormer Dekadda Muqdisho, isagoo u kuur-galay hab-sami u socodka howsha Dekadda.

Khayre ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekadda, isagoo intii uu ku gudo-jiray booqashadiisa la kulmay maamulka Dekadda, Taliska booliiska iyo madaxa cusub ee canshuurta Dekadda, wuxuuna ku boorriyay inay dar-dar-geliyaan shaqada, qayb weynna ka qaataan la dagaallanka Musuq-maasuqa, si sare loogu qaado dakhliga Dowladda Federaalka.

Dhanka kale, Dekadda Xamar oo ka mid ah ilaha ugu mumiisan ee Dowladdu ay ka hesho dhaqaalaha, ayaa dhawaan waxaa lagu sameeyay horumarin, iyadoo lagu guuleysatay in dekaddu shaqayso habeen iyo maalin.

Sidoo kale, waxaa isbedel ballaaran lagu sameeay maamulka canshuuraha ee dekedda Muqdisho, kaddib markii lagu eedeeyay madaxii qaybtan musuq-maasuq iyo lunsi lacageed, iyadoo xabsiga la dhigay tiro mas’uuliyiin ah.

Ugu dambyen, Dowladda Somalia ayaa dhawaanahan waxay dadaal weyn ugu jirtay sidii ay uga hortegi lahayd musuqmaasuq, waxaana xabsiga la dhigay toban sarkaal oo ka mid yahay madaxii canshuurta dekadda oo aan la sheegin cadadka hantida uu lunsaday.

PUNTLAND POST