Hay,adda Somali Relief Network oo ka qeybisay Qardho iyo Dongoroyo deeq Ciidul Adxa

Hay,adda Somali Relief Network Of North America oo uu madax ka yahay Dr Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa 60 neef oo ciidul Adxa ah ku qashay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxayna u qaybisay 300 oo qoys oo ah qatooxiga reer Yemeneed ee ku nool magaalada Qardho.

Gudoomiyaha Degmada Qardho ayaa uga mahadceliyay maamulka Hay,adda Somali Relief Network Of North America deeqda ay maanta u qeybisay qaxootiga muslimiinta ee ku nool magaalada Qardho, wuxuuna sheegay hay,addu inay deeqdan si xiriir ah gudaha dalka uga wadey laga soo bilaabo sanadkii 2015-ka, ilaa 2018.

Sidoo kale Hay,adda ayaa 50 neef oo Ciidul Adxa ku qashay Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, Iyadoona u qeybisay qoysaska danyarta ee ku nool halkaas.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST