Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu ansixiyay laba xeer kala ah; xeerka macdanta & shidaalka iyo xeerka sugidda amniga garoomada,sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Xeerka macdanta iyo shidaalka oo ay soo diyaarisay hay’adda macdanta iyo shidaalka dowladda Puntland,ayaa qeexaya is-waafajinta maalgeshiga iyo shuruucda dalka,ilaalinta degaanka iyo ka faa’idaysiga khayraadka dihin ee ku duugan degaannada Puntland,sida ku cad war-saxaafadeedka.
Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xeerka sugidda amniga garoomada oo ay soo diyaarisay wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada dowladda Puntland uu dhiirri-gelinayo hagaajinta adeegyada garoomada diyaaradaha Puntland.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.