Xog:- Yaa loo magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (PISA)?

Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa si qarsoodi ah u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”), sida ay ogaatay PUNTLAND POST.

Xog ay heshay PUNTLAND POST, ayaan ku ogaanay in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland bilowgii bishan August, 2018 Agaasimaha hay’adda PISA u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo ay heyb wadaagaan, kaas oo muddo dheer ka shaqeynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhanka amniga.

Sidoo kale xogta ayaan ku ogaanay in Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo muddo ka cudur daaranayay in loo magacaabo xilkan, uu markii dambe ogolaaday in la magacaabo, wuxuuna hadda musuulkani ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu horey uga shaqeynayay.

Hay’adda PISA  ayaa timid kadib markii 28, June  2018 Golaha Xukuumadda Puntland  isku raaceen in la mideeyo hay’adihii  sirdoonka  iyo nabad sugidda Puntland (Puntland Intelligence Service “PIA”) and Puntland Security Service” PSS”),  iyadoo loo bixiyay magacan cusub ee hay’adda  sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”).

Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa Digreeto uu soo saaray 13 June 2018 xilalkii ka qaaday  Agaasimayaashii  hay’adaha PIA iyo  PSS,  Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo Cabdullaahi Aadan Maxammed (Ulle).

Hay’adaha PIA iyo PSS ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa kuwo howl-gab ah oo aan sidii loogu talagalay u shaqeynayn, lamana ogo mideyntoodu waxa ay ku soo kordhin doonto amniga Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo muddo xilliyeedkiisu sii dhamaanayo ayaa in dhawaale waday isbedelo uu ku sameynayay saraakiisha hay’adaha Puntland, kuwaas oo uu in badan u magacaabay shakhsiyaad ay heyb wadaagaan.

PUNTLAND POST