Taliska AFRICOM oo sheegay inay duqeyn cirka ah ku dileen xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Kismaayo (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay lala beegsaday xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, kuwaasoo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay laba xubnood oo Ururka Al-shabaab ka tirsanaa, isla markaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeyntan.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Somalia waxay weerar ku qaadeen xagjirinta Al-shabaab oo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari uga aadan Kismaayo, waxaan ku dilnay laba argagixiso ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska AFRICOM.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaan sheegin magacyada labada ruux ee ay sheegeen inay ku dileen duqeynta ay la beegsadeen, inkastoo tani ay qayb ka tahay duqeymo xilliyadii dambe lala beegsanayay xubnaha ugu sarreeya Al-shabaab.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa toddobaadyo ka hor sidan oo kale duqeyn ay geysteen ciidamada Mareykanka waxaa lagu dilay xubno dhawr ah oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen saraakiil sare.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Somalia sida Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST