War-saxaafadeed ka maanta ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada arday ay Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland dil iyo bara-kicin joogta ah ku hayso shacabka gobolka Sool,gaar ahaanna degmada Laascaanood,waxaana ku xusan magacyada laba qof oo Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen halkaasi iyo kuwa ay sheegtay in la dhaawacay.
Puntland waxay sheegtay in 20-kii bishaan August ciidamo ka amar qaata Somaliland ay magaalada Laascaanood ku dileen laba arday oo kala ah,Shaafici Cabdi Goox iyo Barwaaqo Cabdirashiid Warsame,islamarkaana dhaawacyo culus la gaarsiiyay arday kale.
Puntland waxay sidoo kale war-saxaafadeedka ku wargelisay dowladda Soomaaliya,hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka in Somaliland dhibaato dil, cabudhin iyo bara-kicin ku hayso shacabka dedgmada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool,sida hadalka loo dhigay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.