Madaxweyne cusub oo loo magacaabay maamulka Soomaalida Itoobiya


Addis Ababa (PP) ─
Kulan Addis Ababa ay ku yeesheen xisbiga hoggaamiya DDSI iyo Odayaasha dhaqanka maamulkan, ayaa waxaa la iskula gartay in madaxweyne KMG ah loo sameeyo maamulka Soomaalida-Itoobiya, kaasoo xilka hayn doona tan iyo sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha KMG ah ee Maamulkan ayaa waxaa loo magacaabay Mustafa Muxumed Cumar oo loo yaqaan [Cagjar], isagoo maamulkan hoggaaminaya tan iyo inta doorasho laga qabanyo sannadka 2020-ka, doorashadaa oo lagu soo xuli doono mas’uulkii xilka ka beddeli lahaa.

Sidoo kale, Madaxweynahan KMG ah ayaa xilka kala wareegi doona, Axmed  Cabdi Maxamed oo xilka lo magacaabay markii ay rabshado ka dhaceen DDSI, kuwaasoo ka dhashay cadaadis la sheegay inuu deegaannadaas ka geystay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale, Madaxweynahaan cusub oo la isku raacay in uu xilkaas qabto ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn ugu kacsan madaxweynihii hore DDSI, isla markaana cambaareyn jiray xad-gudubyada ciidamadii maamulkaas ay kula kici jireen shacabka.

Ugu dambeyn, Mustafa Cag-jar, ayaa bartay dhaqaalaha dhinaca beeraha, waana 45-jir ku dhashay Magaalada Dhagax-buur, isagoo lagu wado xilkan loo caleemo saaro, sida ay xubnaha xisbigu sheegeen.

Gaba-gabadii, Deegaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday rabshado sababay dhimasho, dhaawac, boob iyo burbur hantiyeed oo loo geystay Soomaalida iyo dadka aan Soomaalida ahayn ee deegaannadaas ku nool.

PUNTLAND POST