Al-shabaab oo lagu arkay direyska cusub ee Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ee ka Dagaallanta Somalia ayaa lagu arkay sawirro ay baahiyeen iyagoo xiran dharka ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay, taasoo la yaab ku noqotay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Al-shabaab ayaa muuqaalladan baahiyay shalay oo ahayd maalintii koowaad  ee ciidul-adxa, iyagoo dhoolla-turs ciidan kusoo bandhigay Degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay gabi ahaantiis gacanta ku hayaan.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Somalia, gaar ahaana dharka guutada 14-ka Oktoobar oo Qaraxii Zoppe kaddib la dhisay, si ay uga hortagaan falalka Al-shabaab ay Muqdisho ka geysanayso.

Sidoo kale, Waxaa kaloo waxyaabaha ay soo bandhigeen ka mid ah gaadiid dagaal oo ay ciidamada Somalia iyo kuwo ay Kenya ee AMISOM ka tirsan ay leeyihiin, iyagoo ku xiran calanka lagu yaqaan Al-shabaab.

Dharka guutada 14-ka Oktoobar, ayaa wuxuu shakigiisa ugu weyni soo if-baxay weerarkii la damacsanaa in lagu qaado madaxtooyada Somalia bishii lasoo dhaafay ee July, iyadoo kooxihii weerarkaas fulinayay ay xirnaayeen dharka ciidamadan u gaarka ah.

Xilligaas ayaa waxaa shaki abuurmay dartiis xilalkooda ku waayay qaar ka mid ah saraakiisha hay’adaha ammaanka, inkastoo aysan jirin tallaabo ka badan intaas oo ay dowladdu qaadday.

Dhanka kale, Khuburo Amni ayaa waxaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay dharkaas ku heshay dagaallada ay ku qaadaan ciidamada iyo ilo kale oo ka mid ah Dowladda Somalia, inkastoo aan weli si dhab loo ogeyn halka uu ka soo galay.

Ugu dambeyn, Waxaa jira shakiyo fara badan oo ku aaddan cidda dharkan Al-shabaab u gudbiya, iyadoo kooxdan ay u muuqato inay xubno ku dhex-leedahay Dowladda Somalia, taasoo wiiqi karta qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab.

PUNTLAND POST