Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 5aad

Itoobiya

XUKUNKII BOQOR MENELIK.

Kolkii ay Itoobiya u kala jajabtay maamulada yaryar, reer Menelik waxa ay ka talin jireen gobalka Shawo oo mar ahaan jirey dawlad islaama. Nugus  Wosan Sagad ayuu ahaa ninkii aasaasay dawladaan sanadkii 1808, kabacdina waxaa ka dhaxlay wiilkiisii Sahle Selase oo asna uu ka sii dhaxlay wiilkiisii Hayle Malakut oo ahaa Menelik aabihiis, Boqor Tedros ayaa ku duulay shawo xilligii uu midaynayey Itoobiya ee uu maamulada yaryar la dirirayey. Kolkii uu Tedros Shawo qabsaday, xukunkiina ka tuuray Hayle Malakut waxa uu maxbuus ahaan u kaxaystay Menelik oo markaas ahaa inan yar. Waxa uuna xabsi guri ugaga dhigay caasaimaddiisii Magdala. Markii uu daciifay xukunkii Todros ayuu Menelik ka fakaday xabsi-gurgii. Waxa uu dib ugu noqday gobalkiisii, halkaas oo uu xukunkii aabihiis mar labaad ka soo ceshay.

Kolkii Yohanas uu xilka boqortooyada guud ee Itoobiya uu la wareegay Menelik waxa uu xiriir fiican la yeeshay Yohanas oo ay xidid noqdeen.  Waxa uu kala qayb galay dagaaladii Masaarida iyo kuwii lagula dirirayey qabaa’isha Oromada. Waxa uu ahaa ninkii wakiilka ugaga ahaa Yohanas fidintii xukunka iyo diinta. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey qabaa’shii oromada muslimiinta ahayd ee Wollo iyo Yajju. Waxa uu ahaa ninkii diinta ka saaray kumannaan muslimiina oo ay ku jiraan madaxdii qabaa’isha sida Iimaam Mohamed Ali Iyo Abba Watta oo inta la gaaleeyay magacyadii laga badaley. Waxa uu ahaa ninkii cagta mariyey maamuladii Jimma, Siddamo, Gurage, kaffa, Bale, Hadiya iyo kuwo kale oo badan. Waxa uu ahaa ninkii sababta u ahaa in maanta malaayiin Oromaa ay diinta masiixiga haystaan.

Boqortooyadii Jimma oo ahayd boqortooyo Islaama uuna ka talin jirey Abba Jafar ayaa ahayd meesha uu iska caabinta ugu wayn uu kala kulmay illaa aakhirkii lagu khasbay reer Jimma inay u hogaansamaan xukunkiisa, diintooda iyo maamulkana loo amaan galiyo. Jimma waa gobalka uu kasoo jeedo Raysal Wasaaraha iminka ee Abiya Ahmed. Menelik waxa uu reer Jimma kula heshiiyey inaan dhulkooda diinta masiixiga lagu faafin doonin kaniisadana aan laga dhisi doonin, laakiin markii uu Abba Jafar oo ahaa geesigii iyo boqorkii reer Jimma uu dhintay ballantaas waa looga baxay. Kolkii uu Menelik kasoo jeestay shucuubtii galbeedka iyo koonfurta ayuu usoo jeestay dhankii bariga oo aan iyagu marna ku milmin xukunkii Xabashida. Waa dhulkii Harar ugu magaca dheerayd ee Soomaalida iyo canfartuba ka midka ahaayeen.

QABSASHADII HARAR IYO GOOBTII CHALANQO.

Harar oo ahayd magaaladii Iimaan Ahmed Gurey iyo saldhiggii dawladdii Adal ayaan wax horumara samayn wixii ka dambeeyey geeridii Amiir Nur. Boqolaal sano ayay Harar u go’doon sanayd qabaa’shii Gallaha. Sanadkii 1875 ayaa baashigii Masaaridu la wareegay taladii magaalada kadib kolkii ay Masaaridu qabsatay xeebaha badda cas. Inkasta oo xukunkii Masaaridu uu yareeyey khatartii Gallaha, in badan oo Gallihii ka midana ay islaamka qaateen haddana masaaridii Harar kuma aysan nagaan ee waxay ka guureen sanadkii 1885, kadib markii ay Ingiriiska ku wareejiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen badda cas iyo gacanka cadmeed. Wax yar kabacdi guuritaankii masaarida, Menelik waxa uu usoo diray Harar ciidan xoog leh oo ka koobnaa soddon kun oo toban kun oo ka midihi ay hub culus wateen. Kolkii masaaridu ay harar ka guureen ugama aysan tagin wax maamula iyo hub ay isku difaacaan toona.

Reer Harar waxay hoggaan u doorteen Amiir Abdullahi Amir Mohamed oo ahaa wiil uu dhalay amiirkii ay Masaaridu magaalada kala wareegtay. Amiir Abdullahi waxa uu abaabulay reer Harar si uu uga hortago Menelik iyo ciidankiisa. Amiirku waxa uu isla helay saddex kun oo nin oo kun ka midihi ay hubaysnaayeen. Dhamaadkii sanadkii 1886 dii ayaa ciidankii amiirku ku hor istaageen guutooyinkii boqorka halka la yiraahdo Chalanqo oo galbeed uga toosan magaalada Harar. Nasiib daro, in kasta oo ay muslimiintii reer Harar dagaal kharaar dagaalameen haddana waa loo awood sheegtay, waxayna goobtaas ku waayeen kun nin oo todobo boqol oo kamidihi aysan wali curan. Jabkii muslimiinta ka soo gaaray Chalanqo waxa uu soo dadajiyey in Menelik uu si fudud ula wareego Harar. Harar oo ahayd Caasimaddii Iimaan Ahmed ayaa markii ugu horaysay si rasmiya gacanta Xabashida ugu wareegtay. Menelik waxa uu Harar u magacaabay Ras Mokanen oo ahaa boqor Hayle Salaase aabihii ahaana ninkii hoggaaminayey ciidankii magaalada qabsaday. Sanadkii 1896 ayaana Itoobiya si rasmiya Harar dhulkeeda ugu darsatay.

Menelik iyo wakiiladiisii waxay Harar ka bilaabeen siyaasaddoodii isir sifaynta, kala sooca iyo diin baddalka ee ay horay uga soo fuliyeen gobaladii kale ee muslimiinta. Waxaa la gumaaday kumaan kun oo muslimiina, waxaana lagu xukumay reer Harar inay bixiyaan magdhaw ku aadan kharashkii dagaalka ku baxay. Waxaa lala wareegay dhamaan hantidii ay lahaayeen amiiradii iyo askartii dagaalka ka qayb gashay. Waxaa loo qaybiyey madaxdii reer Shawo ee magaalada qabsatay dhamaan dhulkii qodaalka ku wanaagsanaa, ka dib markii laga xoogay dadkii iska lahaa. Goobaha lala wareegay ayaa waxaa kamid ahaaa mid ka mida masaajidadii magaalada ugu waynaa oo la oran jirey Sheikh Bazik oo inta la dumiyey lagu badalay kaniisadda Madhem Alem.

Menelik oo iminka ah boqorka boqorada Itoobiya waxa uu markii ugu horaysay u tilaabay dhulkii Soomaalida iyo Canfarta isaga oo kalsooni ka haysta dawladihii reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska. Waxa uu isku balaariyey gobalkii Ogaden illaa uu ka gaaray labada Wabi. Marakan waxa uu bilaabay inuu si toosa u weeraro dadkii Soomaalida ahaa ee xoola dhaqatada ahaa isga oo ku soo rogay baad joog taa ama Gibir. Waxa uu gudaha u galay gobalka Gado ilaa uu ka dhaafay Luuq oo markii dambe Talyaanigu ka saaray. Dhanka kalana waxa uu kusoo fogaaday wabiga Shabeele illaa uu mar soo garaay magaalada Balcad. Waxaa la yiraahdaa haddii uusan Talyaanigu imaan lahayn koonfurta Soomaaliya, maanta xudduudda Soomaalidu si kale ayay u ekaan lahay. Talyaaniga oo kusoo jabay dagaalkii Adwa ee uu Xabashida la galay, qaybsigii Afrikana koonfurta Soomaaliya dhaxal u helay ayaa hakiyay is balaarintii Menelik.

QAADASHADII DHULKA SOOMAALIDA

Kolkii la furay kanaalka Suways sanadkii 1869kii waxaa is badalay qaab siyaasadeedkii gobolka, dawladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo ahaa kuwii maal galiyay kanaalka ayaa doonayey inay gacanta ku dhigaan marinkiisana. Waxa uu qorshahaasi sii fududaaday kolkii Afrika Barlin lagu qaybsaday sanadkii 1884. Masaarida oo sidaan horay usoo sheegnay lahayd damac ay ku qabsanayso xeebaha badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa riyadeedii dib uga noqotay kolkii iyada laftigeedii si dadban loo qabsaday. Dhamaan dhulkii xeebaha ahaa ee ay masaaridu haysatey laga soo ilaabo Zawakin iyo Musawac illa Barbara ayay ku wareejiyeen Xoogaggii reer galbeedka iyaga oo lacag ugaga badalanaya. Ingiriiska ayaa qabsaday xeebaha gacanka cadmeed si uu u ilaaliyo badeecadaha isga gooshayey Hindiya oo uu horay u qabsaday iyo qaaradda yurub. Waxa uu saldhig ciidan ka samaystay magaalada Cadan. Si uu ciidankiisii Cadan joogay calaf ugu helana waxa uu qabsaday marsada Barbara oo ka mid ahayd dhulkii Soomaaliyeed ee uu qaybta u helay. Barbara ayaa ciidankiisa looga qaadi jirey hilibka,caanaha,subagga iyo wixii kale oo daruuriya.

Wixii ka dambeeyey dagaalkii Adwa ee ay xabashidu uga guulaysatay dawladdii Talyaaniga waxaa jirey heshiisyo Menelik iyo dawladdiisu ay la gashay xoogaggii reer galbeedka ee damaca lahaa. Heshiisyadaas waxaa ugu waynaa midkii dagaalkii Talyaniga lagu soo afjaray iyo kuwii ay Ingiriiska iyo Faransiiskaba ay la galeen. Nuxurka heshiisyadaas ayaa ahaa in Itoobiya loo xaqiijiyo inaan dhulkeeda iyo xoriyadooda toonna aan duulaan lagu ahayn. Dhanka kalana heshiiska ummadda Soomaaliyeed sida tooskaa u taabanayay ayaa ahaa kii ay wada galeen Menelik iyo Ingiriisku. Heshiiskaas ayaa dhigayey in dawladda Xabashidu ka qayb qaadato mashruucii dhul-boobka, iyada oo la gudoonsiiyey dhulka Soomaalida ee iminka loo yaqaan kililka Shanaad. Ingiriiska ayaa dhulkaas kor joogto uga ahaa Xabashida inta laga gaarayey xilliga ay Itoobiya ka xoogaysanaysay. Gadaalkiina Ingiriisku kolkii uu dhulkaan kala wareegay Talyaaniga dagaalkii labaad ka bacdi, waxa uu toos ugu wareejiyey Xabashida.

BOQORKII ISLAAMAY (LIJ IYASU RAS MAKAIL)

Horay waxa aynu u soo sheegnay in Oromadu ay la wareegtay dhul badan oo dhulkii Xabashida ka mid ahaa kolkii ay qarnigii 16aad sidii daadkii ugu soo jabeen. Meelaha ay qabsadeen ayaa waxa ka mid ahaa dhulka sare ee koonfurta iyo galbeedka bari ee Itoobiya. Qabaa’isha Wollo iyo Yajju ayaynu soo sheegnay inay ahaayeen qabaa’shii xoogga ku lahaa Gonder iyo aga gaarkeeda. Qabaa’ishaan iyaga oo xoog iyo awood leh ayay haddana islaamka qaateen. Waxa aynu soo xusnay in xilligii Boqorada Tedros,Yohanes iyo Menelik, dadkaan la dabar gooyey idiintii islaamkana laga saaray. Dadkii la gaalaysiiyey waxaa ka mid ahaa odaygii Wolloda Ras Mohamed Ali Liban oo magacii islaamkana loogu badalay Ras Makail. Kolkii uu Menelik talada la wareegay waxa uu garab ka dhigtay Ras Makail waxa uuna u guuriyey gabadhiisii Aragash taas oo u dhashay wiil la oran jirey Li Yajju. Mohamed Ali marna kama uusan suulin diintiisii islaamka ee waxa uu u haystay si qarsoodiya, mar walbana waxa uu sugayey fursad soo marta.

Maxaa yeelay wali waxaa ka amar qaadanayey qabiilkiisii oo in badan oo kamida ay islaam nimadooda qarsanaysay.
Kolkii uu Boqor Menelik dhintay sanadkii 1913 waxa uu xukunkii ku wareejiyey wiilkii uu awoowaha u ahaan ee Iyasu oo markaas ahaa toban iyo todoba jir. Sababta uu ugu wareejiyey ayaana ahayd boqorka oo aan lahay wiil uu isagu dhalay. Iyasu markii uu talada qabsadayba waxa uu bilaabay inuu aabihiis la tashado isaga oo ka dhigay Nuguskii Wollo, Amhara iyo Tigray oo laysku daray.

Boqor Iyasu waxa uu bilaabay in uu islaamkii iyo muslimiintii u gargaaro. Waxa uu caasimadiisii u soo rartay Harar. Waxa uu xirtiir la sameeyey dawladihii islaamka ahaa, isaga oo ugu bishaaraynaya nasriga Xabsha ka soo socda. Waxa uu calankii dawladda ku daray bisha calaamadda u ah muslimiinta. Waxa uu badalay labiskii ay boqorada xabashidu qaadan jireen isaga oo ku badalay mid islaamiya.
Waxa uu isgarab taagay halgankii Daraawiishta ee uu Sayid Mohamed hoggaaminayey, isaga oo xiriir wanaagsan la yeeshay kuna taageeray hub iyo saanad ba. Xiriirka sayidka ayaa waxaa wakiil ugaga ahaa maal-qabeenkii waynaa ee reer Harar Xaaji Cabdullahi Cali Sidiiq. Waxa uu codsaday in dadkii soomaaliyeed usoo shiraan isaga oo booqasho ugu tagay magaalada Jigjiga, halkaas oo uu uga codsay inay ku taageeraan jihaad uu doonayo inuu lagalo masiixiyiinta.

Arintaasi waxay aad uga caraysiisay wadaadadii diinta masiixiga iyo dabaqaddii sare ee xabashida gaar ahaan kuwii ka soo jeeday qoyskii Sulaymaaniyiinta, oo u qaatay in dhaxalkii awoowayaashood si fudud looga takhalusayo. Waxaa la abaabulay shirqoolo loogu tala galay in talada looga tuuro boqorka. Waxaase kii ugu waynaa uu dhacay kolkii baadarigii diinta masiixiga ugu sareeyey uu ku dhawaaqay in uu xilkii iyo maqaamkiiba ka xayuubiyey boqorkii 27 september 1917, taladiina uu ku wareejiyey gabadh uu dhalay Menelik oo la oran jirey Zawdeto. Zawdeto waxaa dhaxal suge u noqday Tafare Ras Mokanen oo markii dambe la baxay Hayle Salase. Inkasta oo Boqor Iyasu aabihiis soo weeraray Shawo iyo halkii lagu caleema saaray Zawdeto,hadana isaga iyo ciidan kiisiiba waa la jabshey. Iyasu waxa uu u cararay dhanka Canfarta laakiin gadaalkii dambe waxaa laga soo qabtay gobalka Tigray, waxaana lagu xiray xuduuda Kenya halkaas oo uu ku dhintay wax yar ka hor intaan Talyaanigu Itoobiy qabsan.

La soco qaybta 6aad

Mohamed Ahmed Elmi