Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiirada Puntland?

Shirkii Golaha wasiirada Puntland

Shirkii khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland oo uu shir guddoominyay Madaxweyne Gaas ayaa maanta looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen amniga, xeerka Guddiga shaqaalaha rayidka ah iyo qodobo kale.

Golaha wasiirada Puntland ayaa sheegay in xaalada amniga Puntland degan tahay, waxayna shacabka Puntland fareen in ay gacan siiyaan ciidamada howlgalada kawada xuduudaha iyo magaalooyinya waaweyn.

Dhanka kale wasaaradda dastuurka iyo arrimaha Federaalka Puntland ayaa sheegtay in hadda qaadbka dowladda Federaalku wax u wado ay baal marsan tahay guud ahaan shuruucda dalka.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedkii ka soo baxay

PUNTLAND POST