Welwel laga muujiyay saldhig Puntland ay siisay saraakiil ka tirsan Somaliland

Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda mucaaradka ayaa welwel xoogan ka muujinaya ciidamo uu ku uruursanayo General Caare bariga Gobolka Sanaag,kuwaas oo kasoo horjeeda maamulka uu majaraha u hayo Madaxweyne Muuse Biixi oo aan sanad jirsan.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan waxa uu ku tilmaamay jahmad kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland,wuxuuna ka codsadey General Caare inuu ogolaado wada hadalka uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaa dhalisay inuu ciidanka ka goosto Caare, colaadii ka dhacdey Ceel-Afweyn,waxayna ahayd isagana in lagu daro dib u heshiisiinta,haddana waxaan leenahay Caare Somaliland wey jireysaa ma burburin karo Nin muluq muluq leh,waxaana foolxumo kuu ah iyo taariikh xumo inaad maanta tiraahdid waxaa saldhig isiiyay cadowgii kusoo duulay Somaliland”Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca Kale Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay safar uu ku tagey Nayroobi ayaa xusay arrimaha ay u tageen halkaas inay tahay sidii ay beesha caalamka uga soo dhaadhicin lahaayeen Sool iyo Sanaag inay yihiin Somaliland, Islamarkaana ay degaan beelo kala duwan.

Wuxuuna intaas ku darey colaadda u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tukaraq inay beesha caalamku uga gudubto wada hadal ay u furto Muqdisho iyo Hargeysa.

Waa markii ugu horeysay oo maamulka Somaliland ay ka goostaan saraakiil udub dhexaad u ahaa Xukuumadda Hargeysa.

Abshir Dhiirrane

PUNTLAND POST.