Gadoodka Ciidamada, Mushaar la’aanta iyo fashilka Wasiir dhaqaaje

Inkastoo 20-kii sano ee ay jirtay Putland ay caan ku ahayd ciidamo gadooda oo qabsada goobo muhiima oo kamida xarumaha Dawlada hadana waxaa maalmahan Puntland lagu arkayaa dhacdooyin ugub ah oo aan horay looga aqoon degaanadan.

Markii ugu horaysay ayaa Puntland lagu arkay ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo wado xirtay isla markaana baarasho ugu dhaqaaqay dadka wadada laamiga ah ku safraaya, horay ciidamadu waa u samayn jireen gadood mase dhici jirin inay dadka dhibaato u geystaan.

Ciidamadan oo kamida kuwa kooxda Al-shabaab kula dagaalama buuraha Cal-madow ayaa kasoo degey buuraha waxayna soo gaareen wadada laamiga degaan hoostaga degmada Carmo, waxayna bilaabeen inay xirtaan wadada isla markaana baarasho ugu dhaqaaqaan dadka ku safraaya wadada dheer ee isku xirta inta badan gobalada Puntland, waxaana la sheegayaa inay ciidamadani ka gadoodsanaayeen iyagoo waayey mushaaraadkii iyo xaquuqihii ay xaqa u lahaayeen.

Mushaar la’aanta iyo Puntland

Sida ay sheegayaan warar ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST tobankii billood ee u danbeeyey waxaa si aada hoos ugu dhacay bixinta mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha Dawlada, iyadoo welina la sheegaayo inay Wasaarada maaliyada Puntland soo xarayso dhaqaale xoogan, lamana oga halka uu aado dhaqaalahaasi.

Fashilka Wasiir Dhaqaaje

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Carshe Dhaqaaje ayaa lagu tilmaama nin aan aqoon badan u lahayn arimaha maaliyada iyo maaraynta dhaqaalaha, wuxuuna u muuqda nin aan xirfad u lahayn kaluumaysiga oo raba inuu ka kaluumaysto badweyn uusan ogeyn waxa uu kala kulmi doono.

PUNTLAND POST ayaa ogaatey in musuq-maasuqu ka gaaray Puntland meeshii ugu saraysay mudadii sanadka ahayd ee uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir Carshe, iyadoo ay arintana daboolka ka qaadeen qaar kamida saraakiishii la shaqaynaysay iyo isaga qudhiisa oo mar uu hadlay sheegay in ku dhawaad boqol kun oo dollar hal mar lagala baxsaday khasnada Dawlada.

Garsoorka Puntland ayaa iyaguna markii ugu horaysay sheegay inay warqad ay kaga astakoonayaan wasiirka maaliyada u direen baarlamaanka, iyagoo sheegaya in wasaarada maaliyadu ku fashilantay bixinta mushaaraadka laanta cadaalada Puntland.

Sidoo kale mid kamida xildhibaanada Puntland oo ka gaabsaday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay PUNTLAND POST in wasaarada maaliyada uu baarlamaanku ku celiyey xisaab-xirkii ay wasaaradu soo samaysay kadib markii uu u muuqday mid aan munaasib ahayn, hase ahaate wasiir Dhaqaaje ayaa ku dadaalaya inuu baarlamaanka ka dhaadhiciyo asixinta xisaab xirka.

Sarkaal aan magaciisa qarinay oo ah agaasinka waaxda maamulka iyo maaliyada mid  kamida wasaaradaha Dawlada Puntland ayaa sheegay inaysan shaqaalaha wasaaradiisu wax mushaara qaadan tan iyo bilowgii sanadkan  uuna maalin walba ku jarmaado wasaarada maaliyada hase ahaate aysan u suura gelin inuu hello wasiir dhaqaaje oo xafiiskiisii wasaarada maaliyada u raray gurigiisa oo ku yaal duleedka Garowe, wuxuuna sarkaalkani noo sheegay in mar walba oo uu tago wasaarada maaliyada loo sheego in wasiirka maaliyadu shaqadii Dawlada ku hayo gurigiisa khaaska.

Isku soo wada duubo xaaladaha muuqda ayaa meel ka dhac ku ah xukuumada uu hogaanka u hayo Dr Cabdiwali Cali Gaas oo la sheego inuu aqoon dheerada u leeyahay horumarinta dhaqaalaha, waxayna arimahani saaman ku yeelan doonaan hadii uu mar kale Madaxweyne Gaas isku soo taago kursiga looga taliyo Puntland.

Saciid Maxamed Cabdulle

Bosaaso, Puntland Post