Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 4aad

Itoobiya

DAMACII MASAARIDA IYO BARAARUGGII XABASHIDA

Sidii aynu horayba u soo sheegnay Itoobiya waxay soo martay ku dhawaad sadex boqol oo sano oo tafaraaruq iyo go’doon ah. Waxaa hoos u dhacay wax walba oo ay xittaa ka mid tahay diintii masiixigu. Waxaa la xiray boqolaal kaniisadood kolkii la waayey wax gala. Islaamkii ayaa dhan walba u faafay isaga oo u fidaya sifo nabada. Dhul waynihii xabashida ayaa bilawgii qarnigii 18aad illaa dhamaadkii qarnigii 19aad u ekaa qaabka ay maanta soomaaliya u egtahay. Dalku waxa uu u kala qaybsanaa afar waaxood iyo gobolo yaryar oo ay madax dhaqameed ka talinayeen. Gondor oo ahayd caasimaddii xabasha waxaa ka talinayey Raas Ali oo ahaa Oromadii islaamtay. Gojom waxaa haystay Raas Goshu. Tigray waxay u xirnayd Ras Ubye. Shawo oo ah gobalka ay Adis Ababa ku taalana waxaa ka ariminayey Wason Sagad iyo wiilkiisii Sahle Selasse. Dhamaan gobaladaani col ayay usu ahaayeen mana jirin wax midaynayey. Badan kooduna waxay ku dhisnaayeen taageerada Oromada ama Turkida. Iyada oo uu xaalka xabashidu sidaas yahay ayaa waxaa bilowday is balaarintii Masaarida ee bilowgii qarnigii 19aad.

Masar ayaa xilligii Mohamed Ali waxay samaynaysay koboc dhaqaale iyo mid siyaasadeed, sidaas daraadeed ayay lahayd damac dhul ballaarsi si ay u sii kordhiso dakhligeeda. xilligaa ayaa ahaa wakhtigii la bilaabay dhismaha kanaalka Suways oo masar u soo jiidi doona magac iyo manfac labadaba.

Mohamed Ali waxa uu duulaan ku qaaday dhulka iminka loo yaqaan Sudan. Laga bilaabo 1820 ilaa 1830 waxa uu ku qabsaday inta badan dhulkii Sudan illaa uu gaaray xuduuda Itoobiya. Waxaa markiiba bilowday isku dhac u dhaxeeyey xabashida iyo Masaarida, maxaa yeelay waxaa jirey damac uu qabay Mohamed Ali oo ahaa inuu qabsado dhulka Xabashida si uu u gaaro isha wabiga Niilka. Inkasta oo qunsulkii Ingiriiska ee Qaahira uu arintaas ugaga digay masaarida una sheegay inaan laga yeeli doonin qabsashada Itoobiya, haddana sanadkii 1838 ayay ahayd markii ugu horaysay ee ay Masaarida isku dheceen qabaa’ishii xabashida ee xuduuda Sudan, illaa ay markii dambe dagaaladu qiilqiil ka geliyeen magaaladii Gonder. Dagaaladii ka socday duleedka Gonder ayaa istaagay ka dib kolkii ay reer galbeedku ku qanciyeen Masar inay dagaalka dib uga baxdo.

Dagaaladii Masaaridu waxay sabab u noqdeen baraaruggii  xabashida  ee qarnigii 19aad gaar ahaan qabaa’shii xuduuda ku teedsanayd, maxaa yeelay Masaarida ayay u arkayeen cadow aan iyaga kala soocayn. Waxaa jirey Oday dhaqameed la oron jirey Kenfu oo u talin jirey reekiisa. Kenfu waxa uu oday ka ahaa gobalka Kwara waxa uuna dagaalo ba’an la galay Masaarida. Odaygani waxa uu samaystay ciidan beelaad xoog badan oo iasaga ka amr qaata. Kolkii uu Kenfu dhintay waxaa xukunkii ka dhaxlay wiil uu adeer u ahaa oo la oran jirey Kasa. Kasa waxa uu la wareegay ciidamo isaga daacad u ah laguna carbiyeeyey diin iyo la dagaalankii Masaarida. Kolkii uu arkay damacii Masaarida waxa uu uguntaday unuu mideeyo dhulkii xabashida. Wuxuu ka bilaabay xukunkii Wollada ee Raas Ali oo uu taladii ka tuuray. Wuxuu sidoo kale taladii kala wareegay Rases Gosha oo ka talinayey Gojom. Boqrkii Shoe, Hayle Malakot oo ahaa aabihii Menelik ayuu isna markii dambe taladii ka qaaday. Wax yar ka bacdi Kasa waxa uu isu caleema saaray boqorkii boqorada Xabashida wuxuuna la baxay Todros. Cidda keliya ee u dhimanayd ayaa ahayd Ubyihii Tigray oo dagaal xumi u dhaxeeyey. Dhawr qarni ka bacdi ayaa Tedros markii ugu horaysay wuxuu ku guulaystey in dhulkii xabashida intiisii badnayd hal meel looga taliyo.Tedros waxa uu bilaabay inuu Dadkii islaamka ahaa cadaadiyo gaar ahaan Oromadii. Wuxuu isku dayey inuu dadka oo dhan diinta ka badalo, laakiin intii uusan taas ku guulaysan ayaa xukunkii waxaa ka tuuray Ingiriiska oo qabsaday Caasimadii dawladdiisa. Waxaa la sheegaa Tedros inuu is dilay intii uusan Ingiriisku soo gaarin.

Waxaa xusid mudan inaynu sheegno kolkii la caleemo saaray boqor Tedros, warqaddii uu u diray boqoraddii Inhiriiska Quen Victoria. Wuxuu yiri ” Awoowayaashey, boqoradii Itoobiya waxay hilmaameen Rabigood kolkaas ayuu Rabi xukunkoodii ku wareejiyey Gallaha (Oromo) iyo Turkida. Laakiin Rabbi aniga ayuu i abuuray, wuxuuna isiiyey awood. Wuxuu iga soo qaaday meel hoose, wuxuuna ifariisiyey halkii awoowayaashay. Awoodaas ayaan Gallihii ku saaray. Turkidii waxaan u sheegay inay dalkayga iiga guuraan. Way diideen, hadda ayaanuna is arkaynaa.” Boqor Tedros oo ay yarad aqoonta uu caalamka iyo siyaasaddaba u lahaa, waxa kaliya ee uu wax ku qiimaynayeyna ay ahad diinta masiixiga, waxa uusan ogayn in xilligaas uu socday dagaalkii Crimea ee u dhaxeeyey Ruushka oo dhinaca iyo Turkida, Ingiriiska iyo faransiiska oo dhinaca kalaa. Kolkii uu wax jawaaba ka waayey Ingiriiskii waxa uu xiray qunsulkii Ingiriiska Xabasha u fadhiyey oo uu diiday inuu sii daayo, taas ayaana sababtay in Ingiriisku qabsado caasimadiisii xukun kana ka tuuro.

CALEEMA SAARKII BOQOR YOHANES IYO CAQABADDII MUSLIMIINTA.

Kolkii uu dhintay boqor Tedros waxaa bilowday loolan iyo dagaalo u dhaxeeya madaxdii gobalada. Ciidammadii ingiriiska ee dalka qabsadayna waxay ka baxeen dalka iyada oo ay dagaaladaasi socdaa1868. Dawladdii Masaarida iminka waxaa u muuqday fursad ka fiican middii hore. Waxaa u muuqday inay ka tilaabaan kobtii Ingiriisku ka tilaabay oo ahayd kor iyo gobalka Tigray ayna qabsadaan dhulkii xabashida. Waxay dadajiyeen qorshe ay horay u wadeen oo ay xeebaha badda cas  kula wareegayeen. Sanadkii 1865 waxay dawladdii Tukiga ka kiraysteen Dakadaha Musawac iyo Sawaakin. Sidoo kale waxay qabsadeen Tojora. 1870 kiina waxa ay la wareegeen xeebaha Somaliya ee Zaylac, Barbara illaa Cape Guardafui. Intaas kuma ekaan ee waxay gudaha ugaleen dhulkii xabashida dhinaca waqooyi. Mar Dambana waxay la wareegeen magaaladii Harar.

Itoobiya iyada oo khilaafkeedii gudaha ku mashquulsan ayay ku baraarugtay damaca cusub ee Masaarida. Sanadkii 1872 waxaa taladii qabsaday Boqor John IV (Yohanes). Yohanes intii uusan talada la wareegin waxa uu ahaa horjoogihii Tigraay waxaana uu dagaal ba’an kala dhexeeyey boqor Tedros. Kolkii Ingiriisku ku duulay Tedros waxay taageero ka heleen dhulkiisana sii mareen Yohanes. Markii uu Ingiriisku ka baxay Itoobiya 1868 waxa uu ku wareejiyey Yohanes badi hubkii uu watay iyo waxii uu ka furtay Tedros, taas ayaana u fududaysay Yohanes inuu xilka la wareego. Yohanes waxa uu bilaabay abaabul wayn iyo in dadka dagaal diimeed loo carbiyo. Waxaa bilowday nacayb iyo cadownimo loo qabo muslimiinta, cadawnimadaas oo la mid ahayd tii waagii IIman Axmed. Waxaa midoobay dhamaan dadkii xabshida iyaga oo u diriraya diintooda. Cadowgooda koobaadna uu yahay Masaarida iyo Islaamka. Waxaa dhacay dagaalo aad u culus oo dhex maray masaarida iyo xabashida ku waas oo ay ku guulaysteen Xabashidu. Masaaridii ayaa lagu khasbay inay dib uga gurtaan dhulkii Xabashida aakhirkiina heshiis ayaa labada dhinac dhex maray.

Kolkii laga gol roonaaday Masaaridii,Yohanes oo ahaa Boqorkii boqorada iyo Menelik oo Shawo ka talinayey waxa ay bilaabeen cadaawaddii ugu waynayd ee dad muslima lagula dhaqamo Itoobiya gudaheeda. Shirkoodii midawga diimaha ee ay qabteen sanadkii 1878 ayaa waxaa ka soo baxay in dadka oo dhami ay qaataan diinta masiixiga. Wixii diidana lala diriro. Waxaa la weeraray dhamaan qabaa’shii oromada ahayd ee horay u islaamay. Waxaa diintii laga badalay reerka Wollo oo saldhigoodu  ahaa Gonder. Waxaa la masiixiyeeyey IImaan Mohamed Ali iyo IImaan Abba Watta oo ahaa madaxdii qabiilka. Waxaa muddo dagaal lagula jirey muslimiintii Reer Jimma oo diiday dalabkii masiixiyaynta. Sanadkii 1880 waxaa la masiixiyeeyey nus malyuun Oromaa, waxaana diinta laga saaray 50,000 oo muslimiina.
Jeneral Charles Gorden oo ahaa wakiilkii Ingiriiska ee Sudan, waxa uu yiri “Yohanes waxa uu lahaa hal ujeedo taas oo ahayd inuu muslimiinta masiixiyeeyo”. 

 

DUULLAANKII  MAHDIYIINTA  IYO DILKII YOHANES               

Inta aynaan ka bixin xilligii uu boqor Yohanes talinayey, waxaa habboon in aynu xusno wixii dhex maray Daraawiish tii reer Sudan iyo iyo dawladdii Xabashida. Bartamihii qarnigii 19aad ayay Daraawiishtu ka soo baxeen bariga Sudan. Waxay ahaayeen culumo diimeed oo uu aasaasay Mohamed Ahmed Mahdi. wax yar gudahoodna waxay noqdeen xoog aan la loodin karin. Inkasta oo ay dagaalo aad u waawayn ingiriiska la galeen, haddana waxay duullaan khasaare ba’an gaystay ku qaadeen dawladdii Xabashida. Waxay cagta mariyeen dhul badan, waxayna baabi’iyeen magaalooyin doora oo ay dab sureen. Illaa ay ka qabsadeen caasimaddii hore ee xabshida ee Gonder, kabacdina ay usu laabeen dhanka waqooyi iyo gobolka Tigray, halkaas oo dagaalkii Matemma uu ku dhex maray iyaga iyo boqor Yohanes. Waxay jabsheen ciidamadii boqorka, isagiina waxaa gaaray dhaawac halisa oo uu udhintay, ciidankii boqorka ee jabay waxay u jabeen dhankii caasimadiisa halkaas oo daraawiishtii ugaga dabatageen khaaaro wayna ugu gaysteen. Waxaa la sheegaa inay qabsadeen maydkii boqorka kaas oo ay gadaalkii la tageen caasimadoodii Ummu-Durmaan. Mahdiyiintu waxay ahaayeen xoogaggii ugaystay Xabashida khasaarihii ugu badnaa marka laga yimaado dagaaladii IImaan Ahmed. In kasta oo aysan ujeedadooda koobaad ahayn furashada Itoobiya, haddana waxaa la yiraahdaa haddii aysan u leexan lahayn dhanka Masar oo ay ku duuleen, Itoobiya qiilqiil ayay gelin lahaayeen.

La soco qaybta 5aad.

Mohamed Ahmed Elmi