Ciidanka AMISOM oo lagu Amray inay la Hawl-galaan Millateriga Dowladda Soomaaliya

Jowhar (PP) ─ Talilyaha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia jooga [AMISOM], Jen. Jim Owoyesigire ayaa amar ku siiyay ciidamada AMISOM inay la hawlgalaan kuwa Dowladda Somalia si loo joogteeyo hawl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Jen. Lwoyesigire ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid la doonayo in hannaanka hoggaaminta ciidamada xilliga dagaalka lagu baro ciidamada DF, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay qorshaha kala guurka ee AMISOM ay uga baxayso Somalia.

“Ciidamada Somalia waxay leeyihiin tababarro gaar ah, waxaana doonaynaa in si wadajir ah ay ula shaqeeyaan kuwa AMISOM, si loogu diyaar-garoobo in AMISOM ay dalka ka baxdo xilligii loo qorsheeyay,” ayuu yiri taliyahan oo u dhashay dalka Uganda.

Sidoo kale, Jen. Owoyesigire ayaa hadalkan sheegay mar uu ciidamo ka mid ah kuwa AMISOM uu kula hadlayay shalay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana xarun u ah maamul-goboleedka HirShabelle.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in qorshan wadajirka ah uu yahay mid ay ku doonayaan in ciidamada dowladda Somalia ay ku bartaan qaabka amniga loo sugo, xaqiijinta xasilloonida iyo inay ku dhiirradaan inay la wareegaan amniga guud ee dalka.

Dhanka kale, Jen. Owoyesigire ayaa ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM wuxuu ku boorriyay inay xoojiyaan ammaanka waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, taasoo ay dhawr jeer ka dhaceen weerarro ay Al-shabaab fuliysay oo qaarkood lala beegsaday ciidamada AMISOM iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, laguna dilay xildhibaanno.

“Hawlgalka wadajirka ah ee AMISOM iyo ciidanka Dowladda Somalia wuxuu xoojinayaan amniga guud ee dalka, wuxuuna sahlayaa in cidamadu ay sidii ay doonaan isaga gooshaan Gobollada Dalka Somalia, sida inay sahadayda gaarsiiyaan halkii ay doonaan,” ayuu yiri Jen. Jim Owoyesigire.

Taliyaha ayaa ku boorriyay ciidamada wadajirka u hawl-galaya inay xiriir aad u wanaagsan la yeeshaan shacabka ku nool deegaannada ay hawl-gallada ka fulinayaan iyo weliba cuqaasha, si ay u dhex-marto wadashaqeyn looga hor-tagayo khataraha Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa wuxuu Jowhar kulan kula yeeshay madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo ay kawada hadleen xoojinta amniga deegaannada uu maamulku ka taliyo in la isku kaashado dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST