Cabdi Faarax Juxa oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Madaxweynaha Puntland 2019

Wasiirkiih hore ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo Federalka DFS  Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xalay ku dhawaaqay ololihiisa doorashada Puntland 2019,islamarkaana cadeeyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland 2019.

Musharax Juxa oo ololihiisa ku shaaciyey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qaybgalay marti sharaf ka socotay qaybaha kala duwan ee bulshada,ardaydii uu deeqaha waxbarasho u diray xiligii uu ahaa wasiirka waxbarashada Puntland iyo musharaxiin kale.

Musharax Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sababta uu isku sharaxay ku saleeyey labo arimood oo kala ah aragti iyo fikir ku wajihi karo caqabadaha horyaala Puntland oo uu tilmaamay hadii u furadda helo uu wajihi karo iyo mid labaad oo ah inuu saldhig iyo hormuud u yahay dhaqdhaqaaqa jiil cusub kaas oo ay aragti dheer hogaaminayso.

Juxa hadii la doorto waxaa uu sheegay in wax weyn ka qaban doono amaanla,Kobcinta dhaqaalaha,Saldhiga Barnaamijka wadajir ah bulsho kaaso ah oo uu doonayo inuu horseed u noqdo Puntland oo heshiis ah oo isku calool fiyow iyadoo ay dhaqanku ugu horeeyaan,waxaa kale oo uu sheegay inuu xooga saari doono halitaanka adeega bulshada oo dhamaystiran sida Caafimaadka,Waxbarashda,Biyaha iyo wixii lamid ah.

Musharaxiintii kala qaybgalay xaflada oo ay kamid ahaayeen Cali Xaaji Warsame,Khaliif Ciise Mudan,iyo Jamiilo Siciid Muuse ayaa ku amaanay Juxa inuu yahay siyaasi aragti fog leh kuna amaanan inuu hogaamiyo Puntland.

Xafladda waxaa sidookale ka hadlay dadkii u soo joogay waxqabadkiisii uu ka gasytaya dhanka waxbarashada xiligii uu ahaan wasiirka waxbarashada Puntland iyo ardaydii uu deeqaha waxbarasho ugu diray dalka dibadiisa waxaana ay ku amaaneen inuu ahaa shaqsi ku sugnaa u cadaalad samaynta dadka Puntland islamarkaana mirihii uu soo saaray ay hada ka muuqdaan waxbarashada Puntland.

Juxa oo ah shaqsi inta badan aan ka bixin dalka shaqooyin tiro badana kasoo qabtay ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyey Puntland gudeheeda uga dhawaaqay musharaxnimadiisa.

PUNTLANDPOST.NET