Madaxweynaha Somalia oo shaqadii ka eryay Shan Garsoore – kuwo kalena Magacaabay

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabadullaahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay shan garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, isagoo shaqadii ka eryay lix garoore oo kale.

Wareegtada magacaabida garsoorayaashan cusub iyo xil-ka-qaadidda kuwii hore, ayaa waxaa lagu xusay in magacaabidda garsoorayaashan cusub ay ku timid soo-jeedinta guddoomiyaha maxkmaada sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

Hadaba Garsoorayaasha shaqada laga eryay ayaa waxay kala yihiin;

  1. Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
  2. Maxamed Maxamuud Maxamed.
  3. Maxamuud Axmed Faarax.
  4. Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
  5. Cabdinaasir Seeraar Axmed.
  6. Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Sidoo kale, Garsoorayaasha xilalka cusub loo magacaabay ayaa waxay kala yihiin;

  1. Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
  2. Maxamed Cumar Axmed.
  3. Cabdalle Macalin Maxamed.
  4. Xaydar Barqash Abukor.
  5. Axmed Cali Muuse.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Garsoorayaasha uu xilalka uga magacaabay inay dhawraan sarreynta sharciga dalka iyo inay si siman ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Tallaabada Madaxweynaha ayaa la sheegay inay qayb weyn ka tagay ballan-qaadkiisii hore ee ku saabsanaa inuu dib u habayn ballaaran ku sameyn doono nidaamka garsoorka dalka oo ka mid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan.

PUNTLAND POST