Jubaland oo war ka soo saartay khilaaf ka taagan arrimaha dhulka

Golaha Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa go’aan kama danbeys ah kasoo saarey khilaaf ku saleysan deegaamaysi oo ka jira deegaamada hoostaga magaalada Kismaayo ee caasimada kmg ah ee Jubbaland.

Kadib markii uu Golaha Amniga Jubbaland dhageystey warbixinta Taliyaha Booliska Korneel Maxamed Naasir iyo Gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim TimoJilic waxay soo saareen go’aamada hoos ku xusan.

1-In Booliisa Jubbaland qeybta gobolka Jubbada hoose ay baadhitaan dhab ah ku sameeyaan danbiyadii dhacey , Ciddii ka danbeysey iyo Nuxurka sababta khilaafka keentey.

2-In Tuulada uu khilaafku ka taaganyahay la joojiyo dhismaheeda haddana la tiro koobo inta dhismo ee kajirta.

3-In lasoo qabto sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhibaatooyinkii ugu danbeeyey ee lahaa dhimashada iyo dhaawaca , ayada oo la xaqiijinayo tirada dhimashada iyo dhaawaca jira.

4-Waxaa la farey Booliiska Jubbaland qeybta gobolka Jubbada hoose in inta labaadhayo dhacdooyinkan soo noqnoqdey ay guryahooda ku ekaadan labo masuul oo magacyadooda loo soo gudbiyey.

PUNTLAND POST