Ciidamada Puntland oo dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka PSF oo hawgalkii maanta ku jira

Ciidanka sida gaarka ah u taba-baran ee Puntland(PSF) ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF.

Hawgalka oo ciidanku ka fuliyay buuraleeyda Calmadow ee gobolka Bari ayaa mudadii uu socday Al-shabaab looga sifeeyay degaannada; Madarshoon,Karin-xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ka tirsan buuraleeyda Calmadow ,sida lagu xusay warbixinta ciidanka PSF.

Qoraalka ka soo baxay ciidanka ee PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhaawacyo badan la gaarsiiyay malayshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi laga saaray,islamarkaana ay hawlgalladu sii soconayan ilaa iyo inta Al-shabaab laga sifaynayo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland.

“Ciidanka PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxayna dileen intii hawlgalkani socday 15 xubnood oo ka tirsan cadowga Al Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana waxaa la gaarsiiyey dhaawacyo.Dhanka kale, intii hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF ku guulaysteen in ay cadowga Al Shabaab ka sifeeyaan degaanada Madarshoon,Karin Xagarood iyo Diindigle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri warbixinta PSF.

Warbixintu waxay intaas raacisay”ciidanka PSF waxaa ka go’an in ay sii wadaan hawlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha argagixisada ah ee ku soo duulay Puntland, si Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ba ay u noqdaan nabad iyo waddanka ka caaggan kooxaha cadowga ah iyo falalkooda argagixisanimo”.

PUNTLAND POST