Xaaladda Jigjiga oo Maanta Dagan iyo Xiisad laga soo sheegayo Magaalada Dirir-dhabe

Jigjiga (PP) ─ Xaaladda Magaalada Jigjiga ee xarunta Is-maamulka Soomaalida-Itoobiya ayaa maanta daggan, kaddib rabshado khasaare nafeed iyo mid hantiyeed sababay oo shalay ka dhacay magaaladaas. Balse wararka ayaa sheegaya in xiisadi ay maanta ka taagan tahay Magaalada Dirir-dhabe oo ka tirsan kuwa ugu muhiimsan maamulka DD Soomaalida ee Itoobiya.

Goobjoogayaal ku sugan Jigjiga ayaa sheegay in ganacsiga maanta uu dib u furmay, balse lagu arkayo gudaha degmada ciidammo fara badan oo kuwa rabshadaha ka hor-taga ah.

Mas’uuliyiintii maamulka DDS Itoobiya ayaa la sheegay in qaarkood ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada, waxaana kaloo ku sugna ciidammo ka tirsan kuwa federaalka Itoobiya oo shalay galay degmadaas.

“Ciidamada millateriga Itoobiya waxay ku sugan yihiin saldhigyo ku yaalla gudaha magaalada, balse goobaha ay shacabku isugu yimaadaan waxaa ku sugan ciidammo gaar ah oo ka tirsan kuwa maamulka,” ayay sheegeen qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaas oo ay warbaahintu la hadashay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in rabshadihii shalay ka dhacay Jigjiga ay ku dhinteen in ka badan 10-qof, sidoo kalena ay ciidamada amnigu kala baxeen guryahooda 29-qof oo ay Soomaali yihiin 21 ka mid ah.

Dhanka kale, Magaalada Dirir-dhabe ayaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay xiisad la mid ah middii shalay Jigjiga ka dhacday, taasoo u dhexeysa shacabka magaaladaas iyo ciidamada millateriga Itoobiya oo la sheegay inay isku dayeen inay gudaha u galaan, balse ay shacabku ka hor-yimaadeen.

Shacabka Dirir-dhabe ayaa sheegaya in rabshadahan oo ka dashay gadood ay sameeyeen shacabka magaalada uu ku dhintay hal qof, badanna ay ku dhaawacmeen, inkastoo ay xaaladdu ay si tartiib-tartiib ah u soo hagaagayso.

Ugu dambeyn, Xiisadaha ka taagan Magaalooyinka Maamulka DDS ee Dalka Itoobiya ayaa waxay imaanayaa xilli ay jiraan xiisado colaadeed oo aad u culus oo u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

PUNTLAND POST