Xiisad ka taagan xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Muqdisho

Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ay isku dayeen in ay xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadaan oo ah kuwa gaarka u tababaran ay isku dayeen in ay gudaha u galaan xarunta Wasaarada arimaha dibada si ay u xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi oo xiligaasi ku sugnaa xarunta.

Ilaalada wasiirka iyo ilaaladii xarunta Wasaarada arimaha dibada ayaa ka hor istaagay in ciidamadaasi ay gudaha galaaan.

Wasiirka ayaa in saacad ku dhow ku jiray gaari aanay karin xabadu, si uu ugu bad baado ciidamada ku soo weeraray xarunta Wasaarada arimaha dibada.

Xiisada halkaasi ka dhalatay ayaa ugu dambeeyntiina waxaa halkaasi soo gaaray Taliyaha ciidamada Booliska Soomalaiya Gen. Bashiir oo kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in askartaasi ay qabeen amar ka yimid xeer ilaalinta oo ah in la soo xiro Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.

Baryihii ugu dambeeysay ayaa waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyada iyo Arimaha Dibada oo ku aadan qarashka dhanka dibada ka soo gala Wasaarada Maaliyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho