Ra’iisul wasaare Khayre oo dib ugu laabtay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliaya Xasan Cali Khayre iyo wadfi balaaran oo uu homaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Ra’iisul wasaare iyo wafdigiisa ayaa waxaa goor-dhaweyd garoonka diyaarada Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku sii sagootiyay madaxda ugu sareysa Puntland oo uu hogaaminayay Madaxweyne Cadbiwali Gaas.

Ra’iisul wasaare Khare iyo wafdi uu hogaaminayo oo lix berri booqasho ku joogay  Garowe  ayaa kulamo la qaatay madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, sidoo kale waxay booqdeen magaalada Qardho.

Intii uu joogay Ra’iisul wasaare Khayre Puntland waxaa magaalada Garowe yimi dhamaan Golaha wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu qabtay shirkii khamiislaha.

Sidoo kale Ra’iisul khayre iyo xukuumadiisa ayaa xalay  ka qeyb galay xaflad lagu xusayay 20 sano guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland oo ka dhacday magaalada Garowe.

Waxay ahayd  markii ugu horeysay oo Ra’iisul wasaare Khayre yimaado deegaanada Puntland tan iyo intii uu qabtay xilka Ra’iisul wasaarenimo, wuxuuna kala kulmay soo dhaweyn heer saro ah.

PUNTLAND POST