Mayorka ku-meel gaarka ee Garowe oo isaga haray tartanka doorashada duqa caasimada

Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST ay u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo waxaa gabi ahaanba doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo magaaladda Garowe laguna dooranaayo Mayorka cusub ee caasimada Puntland isaga haray Axmed-deeq Ayax oo ah duqa ku-meel gaarka ee Garowe.

Duqa kumeel gaarka ee Garowe oo kulan gaara la yeeshay qaar kamida taageerayaashiisa ayaa u sheegay inuu ka tanaasulay tartanka  duqa caasimada, sidoo kale wuxuu beesha iska leh xubinta gollaha degaanka ee uu ku tartami lahaa u gudbiyey inay xor u yihiin cidii ay siin lahaayeen xubintooda.

Lama oga waxa sababay inuu Axmed-deeq Ayax isaga haro tartanka doorashada xili dhawaan Garowe laga hadal hayey inuu wado olole doorasho oo uu ku doonaayo inuu ku noqdo Mayor rasmi ah maadama uu iminka yahay ku-meel gaar.

Madaxweynaha Puntland ayaa Axmed-deeq u magacaabay bishii April ee sanadkan inuu noqdo duqa ku-meel gaarka ee caasimadda kadib markii uu tigreeto ku kala diray gollihii degaanka ee degmada Garowe.

Dhanka kale waxaa Garowe si aada uga socda xulista gollaha degaanka oo la rajaynaayo inay dhawaan soo dhamaystirmaan kadibna ay doortaan Mayorka cusub.

PUNTLAND POST