Ciidamada Itoobiya oo la wareegay Jigjiga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ah ee Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka jirto xiisad kacsanaan ah.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan ah ay la wareegeen xarumihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga.

Meelaha la la wareegay ayaa waxaa kamid ah madaxtooyada DDSI Xaruntii Baarlamaanka iyo Xaruntii Tv-gii ESTV ee ku hadla Afka Maamulka DDSI.

Wali wax war ah lagama hayo xaalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar warar aan la xaqiijina waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya uu gacanta ugu jiro.

Shacabka ku dhaqan Jig Jiga ayaa si aad ah u hadal haya ciidamadaan saakay ay ku Waabariisteen.

Isbadal dhinacyo badan oo la sii saadaalinayay ayaa dhacay tan iyo markii uu jagada Itoobiyo ku guuleeystay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed.

Faah Faahin dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post