Bililiqo baahsan oo ka soconaysa magaalada Jig-jiga, xageese ku dambeeyey Cabdi Maxamuud Cumar?

Xaalka magaalada Jig-jiga ee xarunta Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u muuqda mid faraha ka baxay kadib markii ay magaaladaas gudaha u galeen ciidamada militariga Itoobiya oo aad u hubaysan ayna bilaabeen inay la wareegaan xafiisyada Dawlad deegaanka Soomaalida.

Sida uu warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay goob jooge ku sugan magaalada Jig-jiga waxaa magaaladaas isugu soo baxay boqolaal qof oo tageero u muujinaaya taliska Dawlad dregaanka Soomaalida ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxayna dadweynahaasi ku dhawaaqayaan ereyo ka dhana Dawlada raisul wasaare Aby Axmed iyo qowmiyadiisa Oromada.

Dhanka kale waxaa magaalada ka socda amaan daro baahsan iyo bililiqo waxaana muuqanaysa inuu maamulkii Jig-jiga faraha ka baxay, waxaa la bililiqaystay qaar kamida xafiisyadii Dawlada iyo goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad aan Soomaali ahayn.

Lama oga halka uu ku sugan yahay Madaxweynihii Dawlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar waxayse warar soo baxaaya sheegayaan inuu joogo xerada ciidanka xoogan ee isaga ka amar qaata ee looyaqaan Liyuu Boolis, kuwaas oo ah ciidamo xoogan oo sida militariga u tababaran.

Qaar kamida saraakiishii xisbigii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dadweynaha Soomaalida Itoobiya ka codsaday inay is-difaacaan, iyagoo tilmaamay in deegaankoodii ay kusoo duushay qowmiyada Oromadu.

Dadka reer Jig-jiga ayaa wadnaha farta ku haya iyagoo xili walba filan kara dagaal magaaladooda ka qarxa, waxayna warar soo baxaaya sheegayaan in magaaladaas ay Dawlada Itoobiya kusoo daabulayso ciidamo xoogan oo ay diyaaradaha dagaalku kamid yihiin.

Dadka odorosa siyaasada Itoobiya ayaa sheegaya in rabshada kasoconaysa Jig-jiga oo u muuqata inay qayb ka tahay isbadelada xawliga ku socda ee ra”iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ay ku fidi karto deegaanka Soomaalida oo dhan iyo guud ahaan is-maamulada kale ee Itoobiya, taasina ay uga sii dari doonto xaalada siyaasadeed ee aan cagaha adag ku taagnayn ee Itoobiya.

PUNTLAND POST