Senator Maxamuud Mashruuc oo soo dhaweeyay dhagax dhiga Dekada Garacad

Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga, wuxuu ku soo dhaweeyay dhagax dhiga dekadda Deegaanka Garacad oo ka tirsan gobalka Mudug ee Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay mihiim tahay in shacabku uu isku tashado oo dalkooda dhisto si loo gaaro buu yiri hor mar waxaana uu shacbka reer Puntland uga mahad celiyey sida ay u soo dhaweeyeen Raysal Wasaaraha Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Puntland.

Waxaan soo dhawaynayaa mashaariicda horumarinta dalka guud ahaan, gaar ahaan mashruuca Dekedda Garacad oo uu maantay uu dhagax dhigay Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdule.

In kastoo aan dareemi karo niyad jabka uu shacabka ku reebay ka maqnaashaha Raysal Wasaare Khayre ee munaasabadda dhagax dhigga Dekedda Garacad, Shacabka Puntland, hoggaankiisa dhaqanka iyo xukuumadda waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin soo dhaweeynta Wasiirka Koowaad ee Xukuumada hadda jirta iyo wafdigiisa.

Isla xisaabtankuse waxaa loo maraya sida ku cad shuruucda dalka.” sidaa waxa yiri Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaliya.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid xili uu Raysal wasaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre uu ka baaqday dhagax dhiga Dekada cusub ee Garacad oo ka tirsan gobalka Mudug ee Puntland .

Cabdiqani Boos 

Puntland Post