Puntland:- 1-dii Agoosto dhalanaye maxaa dhacay?

Mid kamid ah dabaaldegyadii Puntland

Mahada kowaad waxaa iska leh Allihii suura geliyey in nidaam maamul laga yagleelo gobaladii la isku oran jirey waqooyi Bari xili Soomaaliya inteeda kale la daalaa dhacaysay babur iyo Dawlad la’aan baahday, sidoo kalena ay gobaladani kala mid ahaayeen burburka iyo maamul xumada guud ahaan qaybaha kale ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale sharaf iyo amaan mudan isimada, waxgaradka iyo shacabka reer Puntland oo dhidibada u taagay maamul goboleed, kaasoo ay uga gol lahaayeen in ay dadkooda ka badbaadiyaan fow- dada iyo maamul la‘aanta ka dhashay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya bilwogii sagaashan-naadkii.

Baahida loo qabay in la helo adeeg bulsho, garsoor, amniga , dhaqaale kobcin iyo in loo gudbo hirgalinta nidaamka axsaabta badan ayaa ahaa kuwo laga dheehan karay axdi qarameedkii la qoray asaaskii maamulka Puntland. Hadaba qaangaarnimada dawladnimo oo tusaale ay u tahay sida hufan oo ay ula kala wareegeen shanta madaxweyne iyo u dabaal-dagida sanadguuradii labaatanaad oo aan maanta u dabaal degayno, ma la oran karaa Puntland waxay gaartay halkii ay istaahishay? maxaase sabab u ah in laga miro dhalin waayo wacadkii ay mareen madaxdii soo hogaamisay Puntland?

Maadaamaa horukaca ummadeed lagu cabbiro sida mamulkeedu u hufanyahay uguna adeego bulshadiisa. Dawlada Puntland oo dadku ay ka dhur-sugayeen mudo dheer ayaa in badan oo waxgarad ahi la amakaagsan yihiin isku milnaanta golayaasha dawliga ah, kuwaasoo dhumiyay qaab dhismeedkii sharciyeed ee loo dhisay ee ahaa in midba midka kale la xisaabtamo. Gudosho la’aanta waajibaadkii loo ig-maday iyo luminta hanaanka dawladnimo ayaa meesha ka saartay dhawrista xuquuqda bulsho iyo midii sharciyeed.

20-Sano kadib 

Hadaba sida ku cad heshiiskii iyo axdigii la saxiixay asaaskii Puntland oo ujeedadiisu ahayd ka xoroobida wax kasta oo hor istaagi kara sharaf ku noolaanshaha bulshada isku isirka ah iyo dhamaystirka dawladnimo taam ah ayaa noqday ”fari kama qodna faanoole” wax kaqabad la’aanta arimaha asaasiga u ah jiritaanka ummada ayaa loo sababayn karaa hufnaan la’aan iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira hay’adaha dawliga ah.

Puntland malaha maxkamad dastuuri ah oo tayaysan sidaa darteed waxaa caado noqotay in dawladii timaadaba ay udhaqanto ”la jiifiyaana banaan” iyadoo markaa meel marsanaysa hadba qaabka ay rabto inay ula tacaasho wixii caqabado ka hor yimaada. Si loo gaaro xal waara iyo midnimado Puntland waxaa laga maarmaan ah in la dhagaysto tabashada shacabka sidoo kalena la helo xeerbeegto ka jid bixisa tubta loo dhaqaaqayo.

Waxaa la oran karaa Puntland waxay samaysay horumar marka la eego xaaladaha ay ku jireen qaybaha kale ee Soomaaliya hase ahaatee lama oran karo waa la gaaray horumarkii laga rabay Puntland marka la eego wakhtiga ay jirtay oo ah 20-sano.

20-sano kadib waxaa Puntland lagu haystaa meel caasimada Garowe u jirta 70-Kiilo miter ,halka maalinkii la asaasay ay joogtey meel 70-kiilo mitir u jirta magaalada Burco, 20-sano kadib Puntland waxay dib u hubaysay meeleeshiyaad beeleedyo si ay ula dagaalamaan maamulka Somaliland oo kusoo duulay ama qabsaday qayb balaaran oo kamida Puntland waxayna taasi muujinaysaa inay Puntland ku guul-daraysatay inay dhisto ciidan Dawladeed oo dhaba 20 -sano kadib iyadoo madaxweynihii yimaadaba uu kala diro ciidankii uu Dalka ugu yimi ama ay kala yacaan marka ay waayaan xaquuqdoodii yarayd.

20-sano kadib Puntland waxay la daala dhacaysaa bixinta mushaaraadka shaqaalaheeda iyo ciidankeeda, 20-sano kadib waxaa weli madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dooranaya xildhibaano ay soo xulleen odayaasha beeluhu.

Hadaba dariiqan makusii socon kartaa Puntland? 

Runtii jawaabtu waa maya, hadii aan dib loo eegin dariiqa ay Puntland kusoo socotay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa loo baahan yahay in wax badan laga bedelo nidaamka Dawladnimo ee ku dhisan musuq-maasuqa, nin jeclaysiga , horay u socod la’aanta iyo aragtida gaaban, waa in la dejiyaa arag tida Puntland ee mudada dheer, si loo helo xal waara iyo midnimado Puntland waxaa lagama maarmaan ah in la dhagaysto tabashada shacabka sidoo kalena la helo xeerbeegto ka jid bixisa tubta loo dhaqaaqayo, Baarlamaanka oo lagu soo doorto wadaninimo, hufnaan iyo Alle ka cabsasho ayaa waxay fure unoqon kartaa in shacabka iyo dawlada Puntland ay gaaraan halka ay istaahilaan.

PUNTLAND POST